Connect with us

somalilandtoday.com

Baarlamaanka Israa’iil Oo Soo Afjaray Xukunkii Netanyahu Ee 12-Ka Sanno Ahaa

focus

Baarlamaanka Israa’iil Oo Soo Afjaray Xukunkii Netanyahu Ee 12-Ka Sanno Ahaa

Baarlamaanka Israa’iil Oo Soo Afjaray Xukunkii Netanyahu Ee 12-Ka Sanno Ahaa

(SLT-Tel Aviva)-Baarlamaanka Israa’iil ayaa soo afjaray muddo 12 sano ah oo uu dalkaasi Raysal Wasare ka ahaa Benjamin Netanyahu kadib markii ay u codeeyeen dowlad wadaag cusub.

Naftali Bennett, oo madax ka ah xisbi Yamina ayaa loo dhaariyey xilka raysal wasaaraha kadib markii cod cadhiidhi ah ay ku heleen 60-59 baarlamaanka.

Mr Netanyahu – hogaamiyaha ugu waqtiga dheer ee Yamina oo xukumayay, wuxuu sii ahaan doonaa madaxa xisbiga garabka midig ee Likud wuxuuna noqon doonaa hogaamiyaha mucaaradka.

Codeynta ka dib, Mr Netanyahu wuxuu gacan qaaday Mr Bennett. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa durbaba hambalyo u diray Mr Bennett, isagoo sheegay inuu rajeynayo la shaqeyntiisa.

More in focus

To Top