Connect with us

somalilandtoday.com

Xajka Sannadkan Oo Laga Mamnuucay Dadka Aan Ku Nooleyn Gudaha Sacuudiga

focus

Xajka Sannadkan Oo Laga Mamnuucay Dadka Aan Ku Nooleyn Gudaha Sacuudiga

Xajka Sannadkan Oo Laga Mamnuucay Dadka Aan Ku Nooleyn Gudaha Sacuudiga

(SLT-Riyadh)- Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday shalay in sanadkaan gudashada waajibaadka xajka inay ku koobnaan doonaan dad aan ka badneyn 60,000 oo qof, dhammaantoodna ka imanaya boqortooyada gudaheeda, sababo la xidhiidha cudurka faafa ee coronavirus.

Bayaan ay soo saartay wakaaladda wararka ee ay maamusho dowladda Sacuudiga ayaa laga soo xigtay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee boqortooyada oo ku sheegtay in xajka sanadkan, oo bilaaban doona badhtamaha bisha July, uu ku koobnaan doono da’da 18 ilaa 65.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in sababta lagu xadeeyay kaliya 60 kun oo muwaadin oo Sacuudi ama dadka heysta iqaamada dalkaasi ay tahay halista cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu wali ku hayo dunida.

Xajka sannadkan ayaa lagu wadaa in uu dhaco badhtamaha bisha July ee foodda nagu soo heysa.

More in focus

To Top