Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxii Hore Ee Sirdoonka Israa’iil Oo Sameeyay Qirasho Lama Filaan Ah Oo La Xidhiidha Iran

focus

Madaxii Hore Ee Sirdoonka Israa’iil Oo Sameeyay Qirasho Lama Filaan Ah Oo La Xidhiidha Iran

Madaxii Hore Ee Sirdoonka Israa’iil Oo Sameeyay Qirasho Lama Filaan Ah Oo La Xidhiidha Iran

(SLT-Tel Aviva)-Madaxa sirdoonka Israa’iil ee Mossad ee xilka ka degaya ayaa sameeyey qirashadii ugu dhoweyd oo ah in dalkiisa uu ka dambeeyey weeraro dhowaanahan lagu qaaday Nukliyeerka Iran iyo saynisyahano millatari.

Yosi Cohen oo la hadlay barnaamijka daba-galka ee “Uvda” oo ka baxa taleefishinka Channel 12 ee dalkaas ayaa bixiyey qirasho aan caadi aheyn oo aan laga fileyn madaxa hay’ad sirdoon.

Hadalladiisa ayaa sidoo kale digniin cad u diray saynisyahanad Nukliyeerka Iran, oo ah in sidoo kale ay noqon karaan bartilmaameedka khaarijin.

“Haddii sayanisyahanada ay doonayaan inay shaqadooda beddelaan, oo ayna na waxyeeleyneyn, haa, waxaan u yabooheynaa hab ay uga baxaan,” ayuu yidhi Cohen.

Weeraradii ugu weyna ee Iran lagu qaado, ayaa laba ka mid ah, waxay ka dhaceen xarunta Natanz, halkaasi dhulka hoostiisa lagu kobciyo macdanta uranium-ka, si looga hortago in la weeraro.

Bishii July 2020, waxa uu qarax kala dhantaalay mashiinada loo adeegsado uranium-ka, waxayna weerarkaas Iran ku eedeysay Israa’iil. Sidoo kale bishii April ee sannadkan ayaa waxaa isla xaruntaas ka dhacay qarax kale oo saameeyey hoolalka lagu kobciyo macdanta uranium-ka.

“Mashiinada Centrifuge-ka halkaas ayey ku shaqeyn jireen,” ayuu yidhi. “ooh adda ma shaqeeyaan miyaa,” ayey weydiisay weriye Ilhan Dayan, wuxuuna ka jawaabay “dhab ahaantii.

Cohen si toos ah uma qiran weerarka, hase yeeshee wuxuu yaboohay qirashadii ugu dhoweyd ee ah in Israa’iil ay ku lug laheyd weerarada.

Barnaamijka Uvda ayaa sidoo kale ka hadlay dilkii November loo gaystay saynisyahan qeyb ka ahaa billowga barnaamijka Nukliyeerka Iran oo lagu magacaabay Mohsen Fakhrizadeh, wuxuuna sheegay in Cohen uu saxeexay dilkaas.

Cohen ayaa ugu baaqay saynisyahanada Iran inay faraha kala baxaan barnaamijka Nukliyeerka, waxaana mar la weydiiyey waxa dhacaya haddii ayna sidaas sameyn uu ku jawaabay “way arkeen saaxiibadood,” isaga oo ula jeeda kuwa la dilay.

AP

More in focus

To Top