Connect with us

somalilandtoday.com

Magacyadda Wasiirro Uu Madaxweyne Biixi Xilka Ka Qaadayo Iyo Sababta

focus

Magacyadda Wasiirro Uu Madaxweyne Biixi Xilka Ka Qaadayo Iyo Sababta

Magacyadda Wasiirro Uu Madaxweyne Biixi Xilka Ka Qaadayo Iyo Sababta

Doorashadii Golaha Deegaanka iyo Baarlamaanka ee dalka ka dhacday toddobaadkii hore, ayaa waxa ku guul-daraystay Musharraxiin kala duwan oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE,kuwaas oo ahaa qaar ay Wasiiradda iyo Masuuliyiinta ugu tunkan weyn Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ay beelahooda ka soo xuleen,isla markaana ay ku bixinayeen dhaqaale,balse nasiib-darro kuma ay soo bixin liisaska musharraxiinta guulaystay ee Xisbiga KULMIYE,waxaanay galeen liisaska ugu hooseeya ee Musharraxiinta Guul-daraysay ee Xisbiga KULMIYE.

Sida ka muuqata natiijooyinka hordhaca ah ee doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo Baarlamaanka ay soo saaraan komishanka doorashooyinka Qaranku,liisaska Musharraxiinta Golayaasha deegaanka iyo Wakiilladda ee guulaystay ee Xisbiga KULMIYE aanay ku jirin Musharraxiintii ay wateen Masuuliyiinta ugu tunka weyn leh Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Xisbiga KULMIYE, taas oo muujinaysa in aanay masuuliyiintaas kalsooni ka haysan beelahood, maadaama oo ay dhaceen Musharraxiiintii ay wateen.

Dhanka kale Masuuliyiinta sida weyn loo hadal hayo ee Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda ka tirsan, isla markaana ay hadheen Musharraxiintii beelahood ee ay Xisbiga KULMIYE ka soo sharraxeexaan,waxa ka mid ah Wasiirka arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed ahna Guddoomiye ku-xigeenka KULMIYE,kaas oo Musharraxiintii beeshiisa ee ka sharraxnaa Xisbiga KULMIYE ay ku guul-darraysteen doorashada,kuwaas oo ka sharraxnaa Gobolka Togdheer,balse ka mid noqday Musharraxiinta dhacay ee KULMIYE iyo Wasiirka Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye iyo xubno kale

Waxa kale oo isna ka mid ah masuuliyiinta Xukuumadda KULMIYE ee Musharraxiintii Juffadiisa ee uu Xisbiga KULMIYE ka sharraxay ay ku dhaceen doorashadda, Wasiir Cabdilaahi Abokor Cismaan,kaas oo Musharraxiin beeshiisa ah oo uu ka soo sharraxay Gobolka Saaxil ay ku guul-daraysteen inay ku soo baxaan liiska Musharraxiinta guulaystay ee Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Saaxil,kuwaas oo kamid noqday kuwa ugu hooseeya codadka Musharraxiinta guul-daraystay.

Geesta kalene Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed Iyo Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) ayaa Iyana Musharraxiin ka soo jeeda juffooyinkooda oo ay ka sharraxeen Xisbiga KULMIYE iyo Gobolka Togdheer ay ku dhaceen doorashooyinkaa,kuwaas oo kaalmaha ugu hooseeya ka galay liiska Musharraxiinta guul-darraystay ee Xisbiga KULMIYE .

Ugu Dambeyn masuuliyiintan iyo qaar kale oo baddan oo ka tirsan Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE oo cuud iyo cudud-ba ku bixiyey Musharraxiinta beelahood ee ay ka soo sharraxeen Xisbiga KULMIYE ayaa waxa xaqiiqo ah in Musharraxiin kale duwanaa ee ay degaanadooda ka soo sharraxeen Xisbiga KULMIYE ay dhaceen, waxaanay taasi markhaati u tahay in degaanaddooda aan laga taageersanay Xisbiga KULMIYE,isla markaana ay beeluhu si badheedha uga fadhiisteen inay u codayeen Musharraxiintaa. Sidoo kale, waxa la filayaa inuu madaxweyne biixi isbedel ku sameeyey xukuumaddiisa qaarka mid ah. Islamarkaanna shacabka Somaliland u dheg-taagayaan sidda uu ka yeelin doonno Madaxweyne Biixi Wasiiradda guul-darradda u keenay Xukuumadda iyo xisbul-xakimkeedda.

More in focus

To Top