Connect with us

somalilandtoday.com

Afar Qof Oo Si Ulakac Ah Loogu Dilay Dalka Canada

focus

Afar Qof Oo Si Ulakac Ah Loogu Dilay Dalka Canada

Afar Qof Oo Si Ulakac Ah Loogu Dilay Dalka Canada

(SLT-Toronto)-Booliska gobolka Ontario ee Canada ayaa sheegay in darawal si ula kac ah u uu jiidhsiiyay gaadhigiisa qoys ka kooban afar ruux halka qof kalana uu ku dhaawacmay oo Muslimiin ah.

Dhibanayaasha, oo dhammaantood hal qoys ayaa markii uu falkan dhacayay waxa ay doonayeen inay ka gudbaan waddo laami ah fiidnimadii Axadda magaalada London, oo qiyaastii 200km (124 mayl) koonfur-galbeed ka xigta Toronto.

Booliska ayaa sheegay in dhibanayaasha ay ahaayeen laba haween ah oo kala jira 77 iyo 44 jir, nin 46 jir ah iyo gabadh 15 jir ah. Sidoo kale wiil sagaal jir ah ayaa si xun u dhaawacmay oo cisbitaalka lagu daweynayaa. Hase yeeshee, Maamulka deegaanka ayaan shaacin magacyada dhibanayaasha.

Weerarka ayaa yimid iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo weerarada Islaam naceybka ah ee ka dhaca gobolada dalka Canada oo dhan.

Raysal wasaaraha Canadia Justin Trudeau wuxuu sheegay inuu ka argagaxay wax uu ku tilmaamay ficil nacayb, wuxuuna sheegay in fikirradiisu ay la jiraan dhibbanayaashii ay jeclaayeen, oo uu ku jiro wiilkii yaraa ee badbaaday.

Eedeysane 20-jir ah oo magaciisu yahay Nathaniel Veltman ayaa loo xidhay falkan, Waxaa lagu soo oogay afar dambi oo dil ah darajada koowaad iyo hal isku day dil sida ay daabacday Global News oo ay Somalilandtoday soo xigatay.

More in focus

To Top