Connect with us

somalilandtoday.com

Maayarka Yaa Doorta?

focus

Maayarka Yaa Doorta?

Maayarka Yaa Doorta?

Warkii oo kaban: Shacabka degmada.

Faah-faahin

Awoodda waxa iska leh shacabka oo Eebe ayaa siiyay. Waxa ay u igmadaan dawladda. Doorashada fullinta ee Somaliland laga qabto waa laba nooc:

  1. Doorashada madaxwayne oo ah mid toos ah. Tartamayaasha waxa cod haldheeri ah ku kala saara codbixiyayaasha (waa nidaam madaxwaynenimo oo doorashadiisu toos tahay).
  2. Doorashada deegaanka oo la mid ah habka baarlamaaniga ah, oo la midab ah habka loo doorto raysal wasaaraha Ingiriiska.

Hadii aad matal u soo qaadatid raysal wasaaraha Ingiriiska (UK) waxa xilkaas qabta hogaamiyaha xisbiga aqlabiyadda ku leh baarlamaanka, hadii kale inta isbahaysi samaynsan karta. Marka aad u codaynaysid Conservative ka waad og tahay, oo waad ku talo gashay, in Johnson uu noqonayo Raysal Wasaare, hadii codka xisbigaasi gaadho aqlabiyad.

Si habkaas la mid ah duqa magaalada waxa iska dhex doorta, Somaliland, golaha deegaanka oo ay tahay inay ku codeeyaan hab xisbi ah sababta oo ah waxa lagu doortay xisbnimo. Hadaba, Cabdikariin Axmed Mooge sadex sababood ayuu xaq ugu leeyahay inuu noqdo Duqa Hargeysa:

  1. Xisbiyada mucaaradka ah ayaa ugu cod badan Golaha Deegaanka. Sidaasdarteed, dadwaynaha Hargeysa ku nool waxa ay doorteen mucaaradku inuu hogaamiyo. Hadi geeska lagu dhufto codka shacabka ee mucaaradka u codeyeye, kama dhacdo afgembi.
  2. Cabdikariin waxa uu ku tartamay maayarnimo. Dadku waxa ay ugu codeeyeen maayarnimo. Waxa uu helay 1/3 codka xisbiga uu ka soo baxay. Sidaasdarteed, dadka isaga u codeeyey iyo dadka xisbigiisa u codeeyey waxa ay u doorteen Cabdikariin maayarnimo. Eeg, waa rabitaanka shacabka.
  3. Doorashadii dhacday 31 May waxa ay afti dadban u ahayd Duqa hada maamula Hargeysa iyo xisbigiisa. Hadii laga badiyay macneheedu waxa ay tahay in dadka degan Caasimaddu ay si cad u diideen in qof Kulmiye ka socda uu noqdo duqa Hargeysa. Markaa, codka shacabka maxaad ka yeelaysaa? Ileyn dimoqraadiyaddu waa in la ixtiraamo xagga loo badan yahay, xitaa hadii aanad ku raacsanayn.

Hadii 16 xubnood ee kale ee Golaha Deegaanka Hargeysa ay u codeeyaan qof kale oo aan Cabdikariin Axmed Mooge ahayn, waa sharci (legal), balse xalaaltinimo (legitimacy) ma laha. Xalaalnimadu waa codka dadwaynaha. Waad keeni karta tab iyo xeelad aad raysal wasaare kaga noqotid Ingiriiska adiga oo dhinac marayaa mudanaha dadka intiisa badani u codaysay (hadii aad aqlabiyad ku helli kartid isbahaysi taag daran), balse taasi legitimacy ku siin mayso.

Sidaasdarteed, annagu waa ognahay in sharci ahaan (legally) qof kale noqon karo maayar. Balse waxa aannu diidanahay in tab iyo xeelad loo adeegsado in dadwaynaha sharafta leh ee hadlay laga maroorsado talada.

Waxa markaas naga go’an in aannu sifo sharci ah ku difaacno codka dadwaynaha (mudaharaadku sifooyinka sharciga ah ee dastuurku ku qoran ayuu ka mid yahay, ololaha hoose iyo wacyigellintu waa ka qayb kale). Waydiintu wax ay tahay tobonaanka kun ee jooga magaalooyinka Somaliland iyo qurbaha cidda doonaysa inay u babac dhigto waayo?


W/QGuuleed Dafac

More in focus

To Top