Connect with us

somalilandtoday.com

Maxaa Sababay In Ay Wada Dhacaan Murrashaxiintii Golaha Wakiillada Ee Bariga Sanaag

focus

Maxaa Sababay In Ay Wada Dhacaan Murrashaxiintii Golaha Wakiillada Ee Bariga Sanaag

Maxaa Sababay In Ay Wada Dhacaan Murrashaxiintii Golaha Wakiillada Ee Bariga Sanaag

Natiijada hordhaca ah ee Gobolka Sanaag ee Xildhibaannada Golaha Wakiillada, ayaa bannaanka u soo saartay in ay dhammaantood dhaceen Murrashaxiin Sideed ahaa oo ka soo jeeday Bariga Gobolka Sanaag.

Murrashaxiintan dhammaantood isla dhacay, ayaa waxa ay ka sharaxanaayeen Saddexda Xisbi ee UCID, Kulmiye iyo Waddani, iyada oo sababaha ay u dhaceen loo aanaynayo in codadka deegaannada ay ka sharaxnaayeen yaalay iyo tirada murrashaxiintu ay kala badnaayeen.

Dadka deegaannada Bariga Sanaag iyo guddaha Magaalada Ceerigaabo ka coddeeyey, ayaa tiradoodu waxa ay tiradoodu gaadhaysaa 11,591 qof, kuwaas u coddeeyey sideeddii murrashax ee ka sharaxnaa saddexda Xisbi, taas oo keentay in murrashaxna heli waayo tiradii loo baahnaa ee uu ku soo baxayey.
Sababaha loo aanaynayo in ay Murrashaxiintan ayaa waxa ka mid ah in deegaannada Bariga Sanaag dadka u sharaxan aanay is diiwaan gelin oo aanay wada qaadan kaadhka codbixinta, qorshaha xumo ka timid dhinaca siyaasiyiinta deegaankaasi oo aan isu tanaasulin, isla markaana sided murrashax isku barbar yaacayey, Wasiirka shaqo gelinta iyo Arrimaha bulshada deegaanka Bariga Sanaag ka soo jeeda oo la sheegay inuu maarayn kari waayey murrashaxiintaasi oo saddex ka mid ah murrashaxiinta dhacay ka sharaxneeyeen Xisbiga Kulmiye.
Haddaba, halkan waxa aanu isku soo gudbinaynaa siddeeda Murrashax ee ka sharaxnaa Gobolka Sanaag, gaar ahaana deegaannada dhinac bariga ka xiga Degmada Ceerigaabo, sida ay u kala heleen codadkii dadku dhiibteen, balse aan u suurto gelin in mid ka mid ahi soo baxo.

Kulmiye

  1. Ibraahin Ducaale Cawke, waxa uu helay, 2906 cod
  2. Ahmed Yusuf Mohamed, waxa uu helay, 1379 cod
  3. Ahmed Aadan Guray, waxa uu helay, 952 cod

Waddani

  1. Siciid Ibrahim Mohamed, waxa uu helay, 1757
  2. Siciid Mohamed Ahmed, waxa uu helay 2516 cod UCID
  3. Abdikarim Mohamed Hasan Gufure, waxa uu helay, 1377 cod
  4. Abdirashiid Hasan Mohamed, waxa uu helay 29 cod
  5. Yasin Mohamed Sharmaake, waxa uu helay 1575

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top