Connect with us

somalilandtoday.com

Mucaaradka Israa’iil Oo Ku Heshiiyey Dhismaha Xukuumad Isbahaysi Ah Iyo Raysal Wasaare Natayaahu Oo 12 Sanno Xilka Laga Caydhinayo

focus

Mucaaradka Israa’iil Oo Ku Heshiiyey Dhismaha Xukuumad Isbahaysi Ah Iyo Raysal Wasaare Natayaahu Oo 12 Sanno Xilka Laga Caydhinayo

Mucaaradka Israa’iil Oo Ku Heshiiyey Dhismaha Xukuumad Isbahaysi Ah Iyo Raysal Wasaare Natayaahu Oo 12 Sanno Xilka Laga Caydhinayo

(SLT- Israa’iil)-Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil, YAIR LAPID ayaa shaaciyey inuu awoodi karo Dhismaha Xukumad Isbahaysi Wadaag ah, tallaabadaasi oo u muuqata mid soo af-jarayso xilligii Raysal wasaare Binjamiin Natayaahu oo Awoodda hayey 12-kii sanno ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha Israa’iil ee xilka ka sii degaya REUVEN RIVLIN ayaa u xil saaray inuu Xukuumad soo dhiso YAIR LAPID oo hoggamiya Xisbiga YESH ATID PARTY.

Tallaabadaasi ayaa timid, kadib markii uu Benjamiin Netayahu mar kale ku fashilmay inuu isku hayo Xukuumadiisa Isbahaysiga Doorashadii 4-aad ee Israa’iil ka dhacda wax ka yar 2 sanno.

Dhinaca kale, YAIR LAPID oo hore u ahaa Weriye TV iyo Shaqsi Cilmaani ah waxa uu Taageero ka helay Maalqabeenka Naftali Bennet oo horey u soo qabtay Xilal dowladeed.

Heshiiska Xukuumadda Isbahaysiga ee Israa’iil waxa uu dhigayaa inuu Naftali Bennet xilka Ra’isul-wasaaraha hayn doono labada sanno ee u horreysa, halka uu YAIR LAPID xilkaasi la wareegi doono 2-da sano ee ku sii xigta.

Mansuur Cabaas,oo Hogagamiyaha Xisbiga Liiska Midowga Carbeed “The United Arab List” ayaa isagana qeyb ka ah Heshiiska Xukuumadda Wadaagga Israa’iil oo ay Mudanayaasha Barlamaanka Israa’iil ee loo yaqaano KENESET u codeyn doonaan muddo 12 maalmood gudahood.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top