Connect with us

somalilandtoday.com

Digniin Ka Soo Baxday Guddida Doorashoooyinka Somaliland

focus

Digniin Ka Soo Baxday Guddida Doorashoooyinka Somaliland

Digniin Ka Soo Baxday Guddida Doorashoooyinka Somaliland

digniin ka soo baxday guddida Doorashoooyinka Somaliland.

Akhri.

KDQ waxa uu ka digayaa in cid aan ahayn Mas’uuliyiinta Komishanka ee heer Degmo, Gobol iyo Qaran aannay isku dayin Sheegista Natiijooyin aan sugnayn.

Sida Xeerka Doorashadu dhigaayo Natiijooyinka waxaa loogu dhawaaqayaa heer degmo, gobol iyo qaran kuwaasoo intoodaba ku-dhawaaqistooda uu gaar u leeyahay Komishanku, cid kastoo aan Komishanka ahaynina aaannay xaq u lahayn arrimahaas.
Cidii isku dayda aarimahaasi waxay galaysaa xad-gudub sharci waxaana laga qaadi doonaa Tallaabo sharciga waafaqsan.

Si gaar ah waxaa Digniintan loogu socodsiinayaa Mas’uuliyiinta Dawladda & Axsaabta Qaranku inay arrimo la xidhiidha sheegista natiijooyin aan KDQ kasoo bixin isku dayaan.

Ugu dambayntii KDQ waxa uu Dadweynaha sharafta badan ee JSL ugu baaqayaa dhammaysturka guushii iyo galladii ay ku hurgaliyeen Codbixintii Doorashada Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiiladda & Deegaanka JSL.

More in focus

To Top