Connect with us

somalilandtoday.com

Saadaasha Kuraasta Golaha Wakiillada ee Saddexda Xisbi Qaran iyo Dedaalka Mucaaridku ugu Jiraan inay Helaan Aqlabiyad Buuxda

focus

Saadaasha Kuraasta Golaha Wakiillada ee Saddexda Xisbi Qaran iyo Dedaalka Mucaaridku ugu Jiraan inay Helaan Aqlabiyad Buuxda

Saadaasha Kuraasta Golaha Wakiillada ee Saddexda Xisbi Qaran iyo Dedaalka Mucaaridku ugu Jiraan inay Helaan Aqlabiyad Buuxda

Somalilantoday oo Soo Gudbinaysa Saadaasha Macquulka ah ee Kuraasta Saddexda Xisbi Qaran Ka Heli Karaan Golaha Wakiillada + Doorka Gobollada Sool iyo Togdheer

Hargeysa (Somalilandtoday)- Doorashadooyinka isku sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa la filayaa inay todobaadka dambe ka qabsoonto guud ahaan dalka, waxaana maanta oo Arbaca ah bilaabmi doona wajigii labaad ahna kii u dambeeyey ee ololaha saddexda xisbi qaran iyo xildhibaannada ka sharraxan.

Sida la filayo doorashadan ayaa noqon doonta mid ka adag kuwii hore, maadaama saddexda xisbi ba soo sharraxeen xubno tayo ahaan isku dhaw. Iyadoo dagaalka ugu weyni uu ka dhici doono golaha wakiillada oo ay xisbiyada mucaaridka ahi doonayaan inay qaataan aqlabiyadda golaha wakiillada, halka xukuumadduna ay arrintaas aad uga dagaalamayso.

Haddaba shacbiga Somaliland ayaa saadaal kala duwan ka bixiyey sida ay noqonayso natiijada doorashada iyo tirooyinka ay kala helayaan xisbiyada qaranku.

Aqoonyahan Yaasiin Calase oo ka mid ah barayaasha jaamacadaha dalka muddo dheerna ka soo shaqaynayay arrimaha doorashooyinka ayaa ka mid ah dadka saadaasha ka bixiyey sida ay xisbiyadu u kala heli doonaan kuraasta golaha wakiillada, waxaana uu xisbiyada mucaaradka ah u saadaaliyey aqlabiyad ay ku maamuli karaan golaha wakiillada.

Saadaashan ayaa sheegaysa in xisbiga UCID uu heli doono 18 kursi oo wakiillada ah, xisbiga WADDANI-na uu heli doono 33 kursi wakiileed halka xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE-na uu u saadaaliyey 31 kursi oo golaha wakiillada ah.

Geesta kale gobollada Sool iyo Togdheer ayaa doorkan ah meelaha la filayo inay xisbiyadu ku kala baxaan, waxaana ay xoguhu sheegayaan in gobolka Togdheer uu aqlabiyad buuxda heli doono Xisbiga WADDANI, halka xisbiga KULMIYE-na uu codad fiican ka heli doono, Balse Xisbiga UCID ayaa la filayaa inuu ka xubno yaraado labada xisbi ee hore.

Gobolka Sool oo doorkan si balaadhan uga qaybgalaya doorashada ayaa ay xogaha hordhaca ahi sheegayaan in WADDANI aqlabiyad buuxda ka heli doono, halka labada xisbi ee kalena isku dhowaan doonaan.

Ugu dambayn in kasta oo tani tahay saadaal hordhac ah oo cuskanaysa isxulafaysiga beelaha, tirooyinkii hore iyo saamaynta xisbiyada haddana maha aha arrin kama dambays ah, waxaase ay xoguhu isku raacsan yihiin in xisbiyada mucaaradku u dhaarsan yihiin aqlabiyad tayo leh.

More in focus

To Top