Connect with us

somalilandtoday.com

Nuxurka Xal Laga Gaadhay Qoddobadii La Isku Hayay Ee Doorashada Soomaaliya Oo Ay Uga Adkeyd Arrinta Somaliland + Mahdi Iyo Xaashi Oo Lagu Qanciyey Inay Si Siman U Qeybsadaan

focus

Nuxurka Xal Laga Gaadhay Qoddobadii La Isku Hayay Ee Doorashada Soomaaliya Oo Ay Uga Adkeyd Arrinta Somaliland + Mahdi Iyo Xaashi Oo Lagu Qanciyey Inay Si Siman U Qeybsadaan

Nuxurka Xal Laga Gaadhay Qoddobadii La Isku Hayay Ee Doorashada Soomaaliya Oo Ay Uga Adkeyd Arrinta Somaliland + Mahdi Iyo Xaashi Oo Lagu Qanciyey Inay Si Siman U Qeybsadaan

(SLT-Hargeysa)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu saxeexay heshiiska doorashada Soomaaliya, kadib shirweyne maalmo qaatay oo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada isku horfadhiyeen.

Xog ay baahiyeen warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho oo ay Somalilandtoday soo xigatay ayaa sheegaysa in heshiiska doorashada ay soo dadajisay xal laga gaadhay qoddobadii la isku hayay, oo ay uga adkeyd arrinta dadka sheegta inay matalaan Somaliland.

Kuraasta lagu sheego Somaliland ee guddiga doorashooyinka oo ay isku hayeen Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa dadaal badan kadib lagu dhammeeyay is-afgarad.

Raysal wasaare Rooble iyo madaxda dowlad gobolleedyada ayaa ku qanciyey in Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ay si siman u qeybsadaan xubnaha guddiga doorashooyinka, taasi oo ka dhigan inay u kala qaadanayaan 6/6.

Cabdi Xaashi ayaa tirada xubnaha loo kordhiyay, islamarkaana loo kala badhay xubnaha guddiga, hase yeeshe waxaa soo baxaya in ra’iisal wasaaraha uu gacanta ku haynayo xulashada 3 xubnood oo ka imaanaya xukuumadda, ayada oo loo kala qeybiyay 12-ka xubnood oo keliya.

Inkasta oo la qanciyey Cabdi Xaashi, haddana waxaa soo baxaya walaac aan badneyn oo ku aadan hadii guddigu cod qaado cidda qaadanaysa gudoomiyaha guddiga Somaliland, maadama la rumeysan yahay in Mahdi uu maamulayo 3-da xubnood ee ka imaanaya xukuumadda oo guddiga Somaliland ka dhigaya 15 xubnood.

Kooxda uu hogaaminayo Cabdi Xaashi ayaa haddii ayna codadka ka helin dhanka kale lagaga cod badin karaa doorashada gudoomiyaha guddiga.

Sidoo kale waxaa ayaduna su’aal ka taagan tahay goobta ay ka dhaceyso doorashada kuraasta Somaliland, waxayna garabka Cabdi Xaashi ku doodayaan in meel ka baxsan teendhada haddii ay ka dhacdo doorashada kuraastaas uu imaan karo musuq-maasuq sidii  2016-kii, inkasta oo doodaas ay tahay mid jaban.

Si kastaba, xal ka gaadhista kuraasta Somaliland ayaa soo dadajisay in maanta heshiis laga gaadho doorashada, ayada oo muddo badan soo jiitamtay in dhinacyadu gaadhaan heshiis, si dalka Soomaaliya uga dhacdo doorasho wada-ogol ah.

More in focus

To Top