Connect with us

somalilandtoday.com

Imisa Jeer Ayuu Madaxwayne Biixi Abtiyaashii Hore U Weeraray, Maxayse Tahay Ujeedada Ka Dambaysa Hadalkii U Dambeeyey ee Ahaa inuu Abtiyaashii Badawnimada Ka Raacay?

focus

Imisa Jeer Ayuu Madaxwayne Biixi Abtiyaashii Hore U Weeraray, Maxayse Tahay Ujeedada Ka Dambaysa Hadalkii U Dambeeyey ee Ahaa inuu Abtiyaashii Badawnimada Ka Raacay?

Imisa Jeer Ayuu Madaxwayne Biixi Abtiyaashii Hore U Weeraray, Maxayse Tahay Ujeedada Ka Dambaysa Hadalkii U Dambeeyey ee Ahaa inuu Abtiyaashii Badawnimada Ka Raacay?

“Waxaan Ka Xumahay Madaxwaynaha Kelmadaas Ma odhan, Wuu igu Riyooday Baan Leeyahay Kelmadaas Anigu Ma odhan” Faysal Cali Waraabe oo Beeniyey inuu Madaxwaynaha Badaw Ku Sheegay.

Hargeysa (Somalilandtoday)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu beeniyey inuu bilawgii ololaha madaxwaynaha ku sifeeyey qof badaw ah oo dalka xukuma.

Madaxwayne Biixi ayaa ayaa dhawaan sheegay mar uu khayriyada kala hadlay taageeraayashiisa, inuu Faysal ku sheegay badaw, isla markaana waxaaba uu madaxwyanuhu sheegay inuu badawnimada ka raacay abtiyadii (oo  dabcan Faysal ka mid yahay” isla markaana uu ku faanayo dhaqankaas badawnimada ah ee uu abtiyadii ka raacay.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo iska barraxaya eeda uu madaxwaynuhu ujeediyey ayaa sheegay in laga yaabo inuu madaxwaynuhu uu ku riyooday, waxaana uu sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay in warbaahintu aanay arrinkaas iskaba hubin, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Madaxwaynuhu wuxuu sheegay inaan badaw ku sheegay, waxaan ka xumahay madaxwaynaha kelmadaas ma odhan, wuu igu riyooday baan leeyahay kelmadaas anigu ma odhan. Laakiin waxaan la yaabay warbaahinta oo sheegaysa cabashada uu madaxwaynuhu iga cawday, oo uu leeyahay badaw buu igu sheegay oo aan soo dhigin muuqaalkii aan ku sheegay inuu badaw yahay. Marka uu qof kelmad ka cawdo, tii uu ka cawday baa la soo dulsaaraa, (markaa) malaha warbaahintuna way igu riyootay baan filayaa laakiin maan odhan kelmadaas”.

Shacbiga Somaliland ayaa aad ula yaabay in Madaxwayne Biixi dhaliilo iskaga riixo deegaannada ay abtiyaashii ka soo jeedaan, taasoo uu dhawr jeer hore u s ameeyey. Balse waxaa arrin cusub noqotay in markan u dambaysay aanu guddoomiye Faysal wax badawnimo ah ku sifayn M. Biixi.

Madaxwayne Biixi waxa uu hore u sheegay in deegaannadii doorashada laga badiyey ay u qaateen inay gumoobeen oo aan gabdhahooda la guursan doonin, isagoo marka uu hadalkaas lahaa uu ku sugnaa deegaannada uu ku abtirsado. Waxaana xusid mudan in reerka laga badiyey ee uu madaxwaynuhu sheegay ay yihiin qolada abtiyaashii ah, reerka kalena sheegay inuu isagu oday u yahay.

Sidoo kale waxa jirtay mar ay raaska madaxwaynaha dhalay, kulan kula yeesheen Madaxtooyada markaasna waxa uu khudbadiisa ku daray in haddii ay taladiisu xumaato ay iyagu eedda iyo masuuliyadda badankeeda qaadan doonaan, maadama sida uu sheegay markiiba la is waydiin doono cidda abtiga u ah, maalintaasna waxa hadalkiisii ka mid ahaa”Abtiyaal haddii ay taladaydu xumaato idinka uunbaa u qoollan, oo markiiba ninku wa ayo la is waydiin maayee, waxa la is waydiin doonaa, ninka yaa dhalay oo u abti ah”.

Haddaba ma kala cadda in hadalkan ka soo yeedhay madaxwaynaha ay ujeedadiisu ahayd inuu madaxwaynuhu doonayay inuu ololaha ka tuurto kelmad maalmo la sii hadal hayo sii uu warbaahinta bulshada u qabsado, inuu iska jeclaystay inuu maagid ujeediyo abtiyaashii iyo in madaxwaynaha warkan loo geeyay isla markaana aanu iska hubsan.

More in focus

To Top