(SLT-Hargeysa)-Iyadoo dharaaro koobani ay inaga xigaan wakhtigii ay dalka ka qabsoomayeen doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada Iyo degaanka, kuwaas oo toddobaadka dambe dalka ka qabsoomaya,ayaa waxa jirta loollan u dhaxeeye Xisbiyadda KULMIYE iyo WADDANI, kuwaas oo ku laacdamaya sidii uu mid waliba u noqon lahaa xisbiga heleya aqlabiyadda Xildhibaanada Golayaasha degaanka iyo Wakiillada ee Gobolka Awdal, waxaanay Xukuumaddu halkaas u dirtay Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici,halka uu Xisbiga WADDANI u diray masuuliyiin uu hoggaaminayo Musharrax Madaxweyne ku-xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi
Xisbiga WADDANI ayaa isagu ku mitidaya inuu sii haysto taageerada baaxad leh ee Gobolka Awdal,maddaama uu doorashadii ugu dambaysay uu ahaa Xisbiga ugu codadka baddan,halka ay Xukuumaddu doonayso inuu doorkan Xisbiga KULMIYE noqda mid aqlabiyad Xildhibaanada Golayaasha degaanka iyo Wakiillada gobolkaas helaya,isla markaana hoggaanka kale wareega WADDANI.
Dhinaca kalena waxa muuqata in Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu ay dooranka duub-ka u xidhaan,isla markaana ay dedaal ugu jiraan sidii ay taageerada reer Awdal u heli lahayeen oo ay doorashooyinka u noqon lahayeen Xisbiga helaya codadka ugu baddan Gobolkaas,waxaanay samaynayaan tallaabo kasta oo ay u arrkaan mid guul ay ku gaadhi karraan,iyadoo Madaxweynaha ku-xigeenka Saylici iyo Wasiiradda Xukuumadda ee reer Awdal ay lacago ku asqeyeen Gobolka,kuwaas oo ay soo jilaabanayaan cida ka soo horjeeda.
Geesta kalene Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa masuuliyiinta Gobolkaas ka soo jeeda ee uu hoggaaminayo Musharrax Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ku dedaalaya iyana inay sii adkaystaan guushii Gobolka iyagoo dadka ku wacyigelinaaya ka cuna KULMIYE oo u codeeya,WADDANI,iyo kullamo hoose oo ay la yeelanayaan Musharraxiinta iyo beelaha oo farsamooyin watta .
Gunaanadkii Xisbiga KULMIYE ayaa waxa ka go’an doorkan inuu kaga adkaado doorashooyinka Gobolka Awdal Mucaaradka,halka Xisbiga WADDANI-na uu doonaya inuu guushiisii Gobolka sii laba jibaaro, waxaynu eegnaa waa toddobaadka dambe iyo natiijadda doorashooyinka iyo kooxda Wasiiradda KULMIYE ee Madaxweyne ku-xigeenku uu hoggaaminayo iyo Kooxda Musharrax Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Maxamed Cali Aw Cabdi midka ku adkaada Awdal