Connect with us

somalilandtoday.com

Majaajilaystihii Caanka Ahaa Ee Sooraan Oo Ku Geeriyooday Magaalada Burco

News

Majaajilaystihii Caanka Ahaa Ee Sooraan Oo Ku Geeriyooday Magaalada Burco

Majaajilaystihii Caanka Ahaa Ee Sooraan Oo Ku Geeriyooday Magaalada Burco

(SLT-Burco)-Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa waxaa Goordhawayd ku geeriyooday Allaha u naxariistee Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule oo si weyn loo yaqaanay deegaanada Soomaalida.

Abwaan Sooraan Ismaaciil ayaa maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo ku dhacay, waxaana xanuunkii haayay uu ugu geeriyooday cisbitaal ku yaalla Magaalada Burco oo uu ku jiray.

Geerida ku timid Abwaanka ayaa waxaa xaqiijiyay Agaasimaha Isbitaalka Burco Dr. Cabdi Suudi iyo qaar kamid Eheladiisa, waxaana geerida Sooraan Ismaaciil ka tacsiyeeyay Abwaano Mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan.

Allaha u naxariistee Sooraan ayaa waxaa uu ahaa Majaajiliiste caan ku ahaa jilista sheekooyinka, isla markaana waxaa uu sidoo kale sameeyn jiray ruwaayadaha, waxaana dhowr jeer oo hore si been abuur ah loo shaaciyay inuu dhintay.

More in News

To Top