Connect with us

somalilandtoday.com

Suuqa Madow Oo Lagu Kale Iibsanayo Kaadhadhka Codbixinta Doorashooyinka Iyo Qiimaha Kaadhka Oo Cirka Isku Shareeray

focus

Suuqa Madow Oo Lagu Kale Iibsanayo Kaadhadhka Codbixinta Doorashooyinka Iyo Qiimaha Kaadhka Oo Cirka Isku Shareeray

Suuqa Madow Oo Lagu Kale Iibsanayo Kaadhadhka Codbixinta Doorashooyinka Iyo Qiimaha Kaadhka Oo Cirka Isku Shareeray

(SLT-Hargeysa)-Xaraaradda doorashadda, ayaa cirka isku sii shareeraysay marba marka ka sii dambaysa maadaama doorashoyinkii isku sidkan ay kaabiga innoo sii saaran yihiin, waxaana uu xisbi kasta isku dayaya sidii ay uu Musharraxiin miisaan leh u heli lahaa, halka uu musharrax waliba doonayno inuu guulaysto,balse hadda oo doorashadii maalmo yari ka hadheen, ayaa waxa soo ifbaxay in musharraxiin ka kale tirsan saddex Xisbi oo xafiil tan uu ka dhaxeeyo ay Magaalooyinka waa weyn ee dalka ka bilaabeen qorshe ay dadka cod-bixiyayaasha kaga iibsanayaan kaadhadhka codbixinta doorashooyinka isku sidkan.

Xoggo kale duwan oo uu Wargeysa Waaberi ka helay illo wareedyo rasmi ah oo ku kale sugan Magaalooyinka ,Hargeysa ,Burco, Berbera iyo Laascnood, Boorama iyo Ceerigaabo, ayaa noo xaqiijiyey in kaadhadhka codbixinta ay jiraan dilaalin u iibinaya Musharraxiinta qaarkood,kuwaas oo dadka kaadhadhka codbixinta ka urursanay, balse kula ballamaya inay maalinta codka ay ku siinayaan goobta uu ka codaynayo, isla markaana ku dhaarinayo inuu u codaynayo Musharrax uu ka iibiyey kaadhka,waxaanay xusid muddan in Magaalooyinka iyo tuullooyinka lagu kale iibsanayo kaadhka codbixinta lacag u dhexeeya $150 ilaa laba boqol oo dollar $200,halka meelaha qaar loogu darayo raashin

Sidoo kale, Maayarka Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo arrintaas ka hadlay ayaa uga digay dadka inay iibiyaan kaadhadhka codbixinta waxaanu ugu baaqay inay ilaashadaan kaadhadhkoodda ” Xagga kaadhadhka ha la illaaliyo qof wallow-ba kaadhkaaga hayso yaannu kaa bixin, qaar ayaa wareegaya oo doonnaya kaadhadhka inay iibsadaan,qof waliba ha ku dedaalo inuu kaadhkiisa haysto.”ayuu yidhi Ismaaciil Xaaji Nuur

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Sanaag ayaa isna arrintaa ka hadlay ayaa ku dardaaray bulshada reer Sanaag inay ilashadaan kaadhadhka codbixinta”Dhammaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI,waxa aan xasuusinayaa, haddii aad maqli jirteen dad qalato ayaa jirta Saxiibayaal waxa soo baxay cod qalato,waxa inooga ballan ah inaynu iska ilaalino.”ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI ee Gobolka Sanaag

Dhinaca kale, Xoghayaha arrimaha guddaha ee WADDANI Maxamed Faarax Cabdi ayaa isna falkaas ka hadlay waxaanu sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka iyo wefti uu hoggaaminayo oo Gobollada ay galbeedka ka wadda ololaha KULMIYE ay qorshaas lagu iibsanayo kaadhadhka codbixinta ay waddaan,waxaanu ugu baaqay Bulshada reer Awdal iyo Salel inay kaadhadhkooda ilashadaan. “Waxa aan maqlay inay Nimanka waa weyn ee KULMIYE ka socdaa ama KULMIYE qorshayaasha uu wataa dadka danyarta ah ee dhallinyarta iyo haweenka inuu leeyihiin kaadhadhkiina keena lacag ayaa la idin siinayaaye ,waxaan uga digaynaa inay fara-geliyaan waxyaabaha noocaas ah,waar si xalaal ah oo nadiif ah u tartama banaanka ayaa la isugu imanayaa.”

More in focus

To Top