(SLT-Hargeysa)-Tartanka Ololaha Doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada,ayaa axadii toddobaadkan si rasmi ah uga bilaabmay dalka,kaas oo soconaya muddo lix cisho ah,isla markaana uu xisbi waliba leeyahay laba cisho,sida ay sheegeen guddida doorashooyinka Qaranku,
Doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada ayaa lagu waddaa inay dalka ka qabsoomaan maalinta isniinta ah ee toddobaadka dambe oo ku beegan 31 Bishan May 31 2021-ka
Haseyeeshee waxaynu halkan ku eegi doonnaa ololayaashii doorashooyinkii dalka ka dhacay sannadihii 2010,2012-kii iyo 2017-kii siday ay ahayaan iyo wax-yaabihii ay ku kale duwanayeen iyo inta cisho ay dalka ka socdeen iyo dhacdooyinkii ku duugnaa.
Ololaha Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee Sannadkii 2010-kii
Afhayeenkii Komishankii hore Maxamed Axmed Xirsi Geele ayaa shir saxaafadeed uu qabtay ku sheegay in 4 Bishii June sannadkii2010-kii ahayd maalin arbaca ah uu guud ahaan dalka ka bilaabmay Ololaha doorashadii Madaxtooyadda,kaas socday muddo 21 maal-mood ahayd.
Kaltankii ololaha ee ugu horeeyey ayaa waxa bilaabay Xisbigii UDUB ,waxaana ku xigay xisbiga KULMIYE ,halka uu ugu dambeeyey kaltanka olalahaas xisbiga UCID.
Ololahaas ayaa ahaa mid xamaasad lahaa,isla markaana ay Xisbiyadda Mucaaradka ahaa ee UCID iyo KULMIYE oo xuluufo ahaa ay wacdaro ka dhigi jiraan fagaarayaasha, ,waxaase xusid muddan inuu jiray cahdigaas kacdoon hoose oo beesha dhexe ku diidanayd xukunkii Madaxweyne Riyaale ,haddana muu noqon olole xanaf badan ka tegay markii ay doorashadaasi dhammaatay.
Ololaha Xisbiyadda Iyo Musharraxiinta ee Doorashadii Golaha Degaanka Iyo Ururada ee Sannadkii 2012–kii
Guddidii doorashooyinka ee xilligaas ayaa shaaciyey inuu guud ahaan-ba dalka si rasmi ah uga bilaabmay ololihii ururada iyo Musharraxiinta ee sannadkii 2012-kii,waxaanu ololahaas bilaabmay maalin isniin ah 29-ka Oktober 2012-kii,kaas oo socday muddo bil ah
Ololahan oo socday muddo bil ah ayaa waxa ka qayb qaadanayey taageerayaasha toddoba Urur siyaasadeed oo urur kastaa maalin gooni ah uu dibedbax ka samayn jiray magaalooyinka waa weyn ee dalka,kuwaas oo kale ahaa Ummadda, UCID, Kulmiye, Dalsan, Rays, Wadani, iyo Xaqsoor.
Ololihii doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee sannadkii 2017-kii
Guddidii hore ee doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in ololihii doorashada Madaxtooyadda uu dalka si rasmi ah uga bilaabmay 21 October 2017 -kii,kaas oo socday muddo 21 ciso ah ,waxaana kaltanka ololaha ugu horeeyey oo bilaabay Xisbiga UCID ,waxaana ku xigay Xisbiga KULMIYE,halka uu Xisbiga WADDANI ugu dambeeyey.
Tartankii ololihii doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee sannadkii 2017-kii ayaa ahaa mid adag,maddaama oo uu xafiiltan ka dhaxeeyey Xisbiyadda KULMIYE ,UCID oo isku dhinac ahaa iyo Xisbiga WADDANI,waxaanu ololuhu ahaa kii ugu adkaa ee doorashooyinkii dalka ka dhacay taariikhda,waxaanu xaalku gaadhay meel xaasaasi ah,balse waxa uu ku soo dhammaaday si nabad ah.
Tartanka Ololaha doorashooyinka Isku sidkan Ee Wakiillada Iyo Degaanka ee sannadka 2021-ka
Guddidan Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa sheegay in tartanka ololaha doorashooyinka isku sidkan uu dalka si rasmi ah uga bilaabmay 23 bishan May,kaas oo ay sheegeen inuu soconay muddo kooban oo lix maal-mood ah,waxaan tartanka ololaha bilaabay xisbiga UCID ,waxaana ku xigay Xisbiga KULMIYE, halka Xisbiga WADDANI uu uga dambayn doonno .
Gunaanadkii Ololahan ayaa ah mid aan hore dalka uga dhicin,iyadoo ay ka qayb-qaadanayaan ku dhawaad kun musharrax oo u tartamaya doorashooyinka isku sidkan ee degaanka iyo Wakiillada iyo taageerayaashoodii,waxaana la odhan karraa waa ololihii ugu ballaadh-naa ee doorashooyinkii dalka ka dhacay,waana mid ka xamaasad badan,iyadoo uu ku jiro ficiltan iyo dhoolatus musharraxiinta iyo beelaha ay ka soo kale jeedaan u dhaxeeyaa,waxaana xusid muddan in amaanka si weyn loo adkeeyey,maddaama oo uu yahay olole sal ballaadhan,kaas oo la filayo in la soo afmeero maalinta jimcaha ah ee inagu soo aadan.