Connect with us

somalilandtoday.com

Ma Dhabbaa In Itoobiya Hubka Kiimikada Ay U Adeegsatay Gobolka Tigray?

focus

Ma Dhabbaa In Itoobiya Hubka Kiimikada Ay U Adeegsatay Gobolka Tigray?

Ma Dhabbaa In Itoobiya Hubka Kiimikada Ay U Adeegsatay Gobolka Tigray?

(SLT-Addis Ababa)-Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa wargeyska Telegraph ee dalka UK ka soo baxa ku eedeysay inuu ku khaldanaa daabacaadda warbixin sheegeysa in dagaalka Tigray loo adeegsaday hubka kiimikada.

Warsaxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayay ku beenisay eedeymahaas, iyadoo tidhi “Itoobiya ma adeegsan mana adeegsan doonto hubkaas la mamnuucay”

“Iyadoo dhibbane u ah hubka kiimikada oo lagu weeraray, Itoobiya si xooggan ayay u cambaareyneysaa in hubka kiimikada uu adeegsado qof walba iyo meel walba oo uu ku sugan yahay.”

Waxay wasaaraddu intaas ku dartay in warbixintaas ay sii hurineyso xiisadda. Wargeyska ayaa sheegay in dowladda Itoobiya uu ka codsaday inay ka jawaabto warbixinta kahor inta aan la daabicin.

Millatariga Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in tacadiyo badan oo arrimaha bani’aadannimada ah ay ka geysteen gobolka Tigray tan iyo bishii November 2020.

More in focus

To Top