Connect with us

somalilandtoday.com

Labada Qodob Ee Hor Taagan Aqoonsiga Somaliland

focus

Labada Qodob Ee Hor Taagan Aqoonsiga Somaliland

Labada Qodob Ee Hor Taagan Aqoonsiga Somaliland

Dad badan ayaa iweydiiyey fakarkayga ku aadan arinka Soomaaliland. Arin igu cusub maha oo maqaalo badan ayan mawducan ka qoray. Dood cilmiyeedna waxa ay na dhexmartay Professor Iqbal Jazbahi oo ah Hindi South Afrikan ah oo ku takhasusa dawladnimada Soomaaliland. Doodaasi (2007) waxa aan la shir tagay maqaal aan ku daabacay “The Horn of African Journal” oo ciwaankiisu ahaa “Local and Global Norms: Somaliland’s Unilateral Secession,” oo la micno aha “Xeerarka Aduunka: gooni isutaaga Soomaaliland.”

Maqaalkaasi waxaan ku xusay qowaaniinta ay dhigteen dawladaha ku midoobay Qaramada Midoobay. Waxa kale oon ku xusay 14 dhibcood uu soo dajiyey Woodrow Wilson oo ahaa madweynhii Mareykanka 1920hii. Dhibcahan 14 ah ayaa sal looga dhiga waxa hada la yidhaa “The right of Nations to Self-dermination,” ama xaquuqada ay qowmiyaduhu u leeyihiin aayo ka taliska.”

Qodoba kale ayaa jiraa oo Iyana xoojinaya ilaalinta iyo jiritaanka dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay. Waa labada qodob ee dhinacyada kala duwan hal qabsi ka dhigtaan.

Hadaba sodon sano oo gooni isu tag ah Soomaaliland side loo qiimayn karaa? Soomaaliland waxay dhistay dawladnimo ka daganaansho roon tan Soomaaliya ka jirta; waxay sugtay nabadii iyo kala dambayntii; waxa ay qabatay doorasooyin la odhan karo waa nadiif xor ah (free and fair elections). Intaasi astaamood Soomaaliya South wey ku guul dareysatay.  

Su’asho ma aha Soomaaliland ma goosatay ama gooni ma isu taagtay, waxa la rabaa in diirada la sooro maxaa ka hortaagan Soomaaliland badeecada siyaasadeed ay 30ka sono raadinayso, taasi oo ah ICTIRAAF?

Laba arimood ayaa ka hortaagan: 1 waa qawaaniinta aan soo sheegay ee u dhigan kala go’ ama wada jirka dal mid ahaa rabani in ay kala baxaan ama wada joogaan. Arinka 2aad ee hortaagan Soomaliland ICTIRAAFKiida waa dawlada Fedealka Soomaaliya oo weli sheeganaysa in ay iyadu mulkiile ka tahay Soomaaliland, budhkii madax banaaninda Soomali ee Democratic Republic (oo hada noqotay Federal Somali Republic) weli South Somaliya caganta ugu jiro.

Dalal ka gudbay shuruucda aduunka oo helay ICTIRAAF ayaa jira:

1. Bangaladhesh oo Pakistaan ka go’day waxa is garab taagay Hindiya oo xiligaas Ruushka garabka ka haysatay. Culays la saarey Pakistaan ayaa horseeday in Paakistaan raali ka noqot kala baxa Bangaladhish iyo Pakistaan.

2. Eriteria waxa raali ka noqotay Itoobiya xiligii Meles. Arinkaasi waxa kaanay kadib markuu ogaaday in aanu tawaan iyo taag uu Eriteria ku soo celiyo aanu lahayn,

3. Koonfurta Suudaan waxa u ololeeyey kiniisadaha Mareykanka oo siyaasad ahaan gaca saar la leh Xisbiga Jamuuriga. Kiniisadaha ayaa taageerada ay siiyaan Jamhuuriga ku xujeeyey in Koonfur Suudaan laga jaro Suudaan.

Ficiliyan, sodon sano (30) oo Koonfurta Soomaaliya dil iyo dibin daabyo ka socotay ayey Soomaaliland heshay waxa la odhan karo maamul wanaag, xasilooni, nabad lagu naaloodo, iyo doorashoyin dhidibada u aasay nidaamka dowlada furan (liberal democratic system).

Su’ashu waxay tahay baadi goobkii bedaacada siyaasadeed ee ICTIRAAF layidhaa Soomaaliland ma ku dhowdahay in ay soo afjarto? Dacaska siyaasadeed ay Soomaaliya gashay ma u horseedi karaa in dalaka tunka weyn mid ka mid kafaalo qaato arinta Soomaaliland kana furdaamiyo xeerarka ilaa hadeer xakameeyey Soomaaliland?

Dad baa qaba in saansaanta helida ICTIRAAKU aanay fogeyn. Waxa cuskanayaan sida madaxweynaha Soomaaliland loogu soo dhaweeyo fagaarayaasha siyaada ee Africa iyo Aasiya. Maamuustii uu MW Biixi ka helay xiligii caleema saarkii MW Ismaaciil Cumar Geeli ayan inaba la hilmaami karin.  Intaasi waxa dheer arinta heshiiska DP ee ku aadan Dakada Berbera iyo xaflada Sanad guurada May loogu qabtay Guriga Ummada ee magaalada Kardif oo ku taal dalka Ingiriiska. Dad badan oo reer-galbeedka siyaasadeeda gacantu ku hayaa ayaa haad suuban u muujinaya Soomaaliland.

Foosha Soomaaliland in ay dhali doont iyo in kale xili aan fogeyn ayaa la kala ogaan doonaa.

W/Q Aqoonyahan Faysal Rooble

More in focus

To Top