Connect with us

somalilandtoday.com

Warbaahinta Jabuuti Oo Si Weyn Uga Warrantay Socdaalka Madaxweynaha Somaliland Ku Tagay Dalkaas.

News

Warbaahinta Jabuuti Oo Si Weyn Uga Warrantay Socdaalka Madaxweynaha Somaliland Ku Tagay Dalkaas.

Warbaahinta Jabuuti Oo Si Weyn Uga Warrantay Socdaalka Madaxweynaha Somaliland Ku Tagay Dalkaas.

(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta Dawladda Jabuuti ayaa si weyn uga warrantay socdaalka Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Md. Muuse Biixi  Cabdi uu ku tagay dalkaasi ee uu kaga qaybgalayo  xafladda mar kale loogu  caleemo-saarayo  Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay  Qaybta Ingiriisiga ee Telefishanka Qaranka Jabuuti oo xalay si weyn uga warbixiyey socdaalka Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi uu ku tagay Jabuuti, waxaanay sheegeen in Ra’iisul-wasaaraha Jabuuti   Cabdiqaadir Kaamil Maxamed uu si meeqaamkeedu sareeyo madaarka Jabuuti ugu qaabilay Madaxweynaha Somaliland isla markaana ay kulan ku yeesheen qaybta VIP-da.

Telefishanka Jabuuti waxa uu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Aroorta ku biirayo madax tiro badan oo ka socota beesha caalamka oo ka qaybgalaysa caleemo-saarka madaxweynaha Jabuuti oo dhawaan ku guulaystay doorashadii madaxtinimo  ee ka qabsoontay waddankaas.  Telefishanku wuxuu intaas ku daray in xidhiidh saaxiibtinimo ka dhexeeyo Jamhuuriyadda Somaliland.

More in News

To Top