Connect with us

somalilandtoday.com

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Maanta La Caleemo-Saarayo

focus

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Maanta La Caleemo-Saarayo

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Maanta La Caleemo-Saarayo

(SLT-Jabuuti)-Waxaa maanta lagu wadaa inay magaalada Jabuuti ka qabsoonto caleemasaarke Madaxweyne Ismaaciil cumar Geelle.

Waxaana halkaas ku sugan madax tiro badan oo ka kala yimid dibadda, gaar ahaan waddammada deriska la ah dalka Jabbuuuti halka kuwo kalena la filayo in maanta halkaasi ay gaadhaan.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle markiisii shanaad uu ku guulaystay doorasho ay xilli horeba mucaaradka qaaddaceen.

Taariikhda Ismaaciil Cumar Geelle

Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu sannadkii 1948 ku dhashay magaalada Diridhaba ee Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

Markii ugu horreysay ee uu madaxweyne ka noqday Jabuuti waxa ay ahayd sannadkii 1999, markaas oo xilka uu kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ay qaraabo yihiin, kaas oo dalka xukumayay tan iyo intii ay Jabuuti xornimada qaadatay sannadkii 1977.

Geelle waxaa mar kale dib loo doortay sannadihii 2005, 2011 iyo 2016, iyo sannadkan 2021.

Madaxweynaha xaaskiisa waa Khadra Maxamuud Xayd, waxayna isku dhaleen afar carruur ah, laba wiil iyo laba hablood.

More in focus

To Top