Connect with us

somalilandtoday.com

Duqeymaha Israa’iil Oo Weli Ku Socda Gaza Iyo Xamas Oo Gantaallo Ku Jawaabeysa + Wararkii Ugu Dambeeyay

focus

Duqeymaha Israa’iil Oo Weli Ku Socda Gaza Iyo Xamas Oo Gantaallo Ku Jawaabeysa + Wararkii Ugu Dambeeyay

Duqeymaha Israa’iil Oo Weli Ku Socda Gaza Iyo Xamas Oo Gantaallo Ku Jawaabeysa + Wararkii Ugu Dambeeyay

(SLT-Gaza)-Ciidamada Israa’iil ayaa lasoo dhoobay xuduudda Gaza, xilli ay weli duqeyn ku socoto magaalada, halka ururka Xamas ay iyagana gantaallo ku garaacayaan Israa’iil, ayada oo xaaladda ay kasii dareyso.

Duqeymo cusub oo ay maanta ka fuliyeen Gaza, ayaa ciidamada Israa’iil waxay ku garaaceen dhisme ka kooban lix dabaq oo ay sheegeen inay leeyihiin Xamas oo maamusha magaalada.

Ugu yaraan 83 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markii ay billowdeen duqeymaha Israa’iil Isniintii, sida ay sheegeen kooxaha caafimaadka, ayada oo cisbitaallada oo markii horeba la tiicayey bukaanada COVID-19 la geeyey dhaawacyo.

“Waxaan wajaheynaa Israel iyo COVID-19. Waxaan dhexda uga jirnaa laba cadow,” waxaa sidaas yidhi Asad Karam oo ah 20 jir ka shaqeeya dhismeyaasha, isaga oo dhinaca taagan waddo ay waxyeeleeyeen duqeymaya Israa’iil.

Dhinaca kale, weeraradii ugu dambeeyey ee gantaallo ee Xamas, ayaa mid ka mid ah wuxuu ku dhacay dhisme ganacsi oo ku yaalla caasimadda Tel Aviv, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen shan Israa’iiliyiin ah, sida ay sheegeen booliska.

Toddoba qof ayaa ku geeriyootay Israel tan iyo markii ay billowdeen gantaallada Xamas, sida ay sheegeen millitariga Israa’iil.

“Israa’iil oo dhan waxaa ku socda weerar. Waxaa xaalad aad cabsi u leh in lagu sugnaado,” waxaa sidaas yidhi Margo Aronovic oo ah 26 jir arday ah oo ku sugan Tel Aviv.

Israel ayaa ciidamo dagaal ku diyaarisay xuduudda Gaza, waxayna ku sugan tahay “marxalado kala duwan oo ay isugu diyaarineyso howlgal dhulka ah,” sida uu sheegay afhayeen u hadlay militariga.

More in focus

To Top