Connect with us

somalilandtoday.com

Sacuudiga Oo Ugu Baaqay Beesha Caalamka In Wax Laga Qabto Israa’iil

focus

Sacuudiga Oo Ugu Baaqay Beesha Caalamka In Wax Laga Qabto Israa’iil

Sacuudiga Oo Ugu Baaqay Beesha Caalamka In Wax Laga Qabto Israa’iil

(SLT-Riyadh)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa cambaareysay weerarada ciidamada Israa’iil ka wadaan dhulka Falastiin.

War kasoo baxay Salaasadii shalay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Israa’iil ku xadgudubtay Masaajidka Barakeysan ee Al Aqsa, isla markaana looga baahan yahay in Beesha Caalamka tilaabo ka qaado falalkan ay ku kacday Israa’iil.

Sacuudiga ayaa sheegay inuu taageero la garab taagan yahay shacabka reer Falastiin, iyagoona sheegay in xalka kaliya ee xiisadan lagu soo afjari karo ay tahay in shacaka Falastiin yeeshaan Waddankooda u gaarka ah iyadoo la raacayo xaduudihii 1967dii, isla markaana Bariga magaalada Qudus ay noqoto caasimadooda.

Image

More in focus

To Top