Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Sucuudiga Iyo Inta Badan Dalalka Dunida Muslimka Ah Oo Si Rasmi Ah Shaaciyey Maalinta Ay Tahay Ciidda

focus

(SLT-Riyadh)-Iyadoo si weyn caawa isha loogu wada hayay guud ahaan dunida Muslimka bisha Soonfur ee Shawaal ayeey inta badan waddamada dunida Muslimku ku dhawaaqeen in maalinta berri ah oo Arbaca ah ay tahay maalin Soon ah.

Dowladda Sacuudiga oo inta badan si weyn loola socdo hadba warka ay ka soo saartay sanad walba bilashada bisha Shawaal ayaa ugu danbeyntii ku dhawaaqday in maalinta berri ah la kaamilayo 30ka bisha Ramadaan, maalinta Khamiista ahna tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Inta badan masaajida ayaa la tukanayaa maalintii ugu danbeysay salaada taraawiixda iyadoo dadkuna isku diyaarinayaa maalinta berri ah 30ka bisha Ramadaan.

More in focus

To Top