Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Ghana Oo Loo Soo Magacaabay Soomaaliya

focus

Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Ghana Oo Loo Soo Magacaabay Soomaaliya

Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Ghana Oo Loo Soo Magacaabay Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika Moussa Faki Mohamat ayaa Soomaaliya u soo magacaabay ergay gaarka ah oo ka shaqeyn doona dhex-dhexaadinta khilaafka arrimaha doorashooyinka.

Moussa Faki ayaa madaxwaynihii hore ee dalka Ghana John Dramani Mahama u magacaabay inuu noqdo ergayga gaar ah ee dhexdhexaadinta arimaha khilaafaadka ee ka taagan Soomaaliya.

“Madaxweyne Mahama waxuu kala shaqeyn doonaa saamileyda siyaasadda Soomaaliya inay gaaraan tanaasul la wada aqbali karo oo ku wajahan xal loo dhan-yahay oo ku aadan qabashada doorashooyinka Soomaaliya, waqtiga ugu gaaban, uguna macquulsan .Isaga oo fulinaya waajibaadkiisa, wakiilka sare waxaa taageeri doona AMISOM, si loo xaqiijiyo in dadaallada dhex-dhexaadinta iyo howlgalka taageeridda nabadda ay u wada shaqeeyaan si habsami leh.” ayuu ydhri Gudoomiyaha Midowga Afrika.

Gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa hadalkiisa intaa ku daray in muhiim ay tahay doorasho dimuqraadi ah oo Soomaaliya ka dhacda taasoo leh sharciyad iyo waajibaad dastuuri ah isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in ergaygan cusub uu door muuqda ka qaato xalinta khilaafka jira si loo ilaaliyo xasiloonida gobolka oo dhan.

“Tani waa inay dhalisaa dowlad si dimoqraadi ah loo soo doorto oo leh sharciyad iyo wajibaad dastuuri ah, si loo xalliyo inta ka hadhsan arrimaha siyaasadda iyo dastuuriga ah ee halista ku ah xasilloonida dalka iyo gobolka oo idil.”

More in focus

To Top