Connect with us

somalilandtoday.com

Haweeney U Dhalatay Dalka Mali Oo Dhashay Sagaal Carruur Ah

focus

Haweeney U Dhalatay Dalka Mali Oo Dhashay Sagaal Carruur Ah

Haweeney U Dhalatay Dalka Mali Oo Dhashay Sagaal Carruur Ah

(SLT-Mali)-Haweeney ku nool dalka Mali ayaa dhashay sagaal carruur ah sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalka Mali.

Halima Cisse, oo 25 jir ah, ayaa la filayay inay dhasho toddoba carruur, sida lagu sheegay baadhitaan dhinaca aaladda ultrasounds ee laga sameeyay gudaha dalkaMorocco iyo Mali, hase yeeshee waxay umushay 9 carruur ah oo dhammaantood qalliin loogaga soo saaray.

Madaxda dalka Mali ayaa gacan ka geystey sidii haweeneydan u dhali lahayd kadib markii la ogaaday inay carruur badan ay sido ayaa loo direy dalka Morrocco halkaas oo ay ku umushay.

Wasiirka caafimaadka ee Mali, Fanta Siby, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee France, in hooyada iyo dhallaanka ay xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay.

Haweeneydan iyo carruurteeda ayaa lagu wadaa in dib waddankooda Mali ay ugu soo laabtaan dhowr toddobaad kadib.

More in focus

To Top