(SLT-Muqdisho)-Bishii february sannadkii 2011 oo hadda laga joogo 10 sanno ayuu hoggaamiyihii muddada dheer kasoo talinayey Masar, Maxamed Xusni Mubarak soo jeediyey khudbad si weyn loola yaabay xili kacdoonka looga soo horjeedo uu meel xun marayey isagoo ku go’adoonsan Madaxtooyadiisa.
Mubarak oo la filayey inuu is-casili doono ayaa soo jeediyey khudbad muddo dheer la sugayey, balse halkii laga filayey inuu is-casilo ayuu sheegay inuu sameyn doono isbedalo oo dastuurka furi doono, wuxuuna ku dooday in “dalal Shisheeye” ay kasoo horjeedaan, xili Millatariga waddankaasi oo uu isku haleenayey inay xilka kusii hayaan ay qaateen go’aan ah inay awoodda kala wareegaan iyagoo difaacanaya dhaqaalihii ay ciidammadu ka heli jireen Maraykanka.
Madaxweynaha wakhtigiisa Dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aan lahayn balaaqadii Muabaarak ayaa isaguna xalay khudbadiisii sida weyn loo sugayey la filayey inuu xilka iska casili doono, ama awoodiisa dastuureed dhimi lahaa maadaama xiligii dastuuriga ahayd ka dhacdey, mar haddii Raysal wasaarihiisa iyo maamuladii uu ku tashanayey ay kasoo horjeesteen Muddo korodhsigii sharci darrada ahaa oo ay ku dhawaaqeen koox ka tirsan Xildhibaanada golaha Shacabka.
Qaxiye (Bara-kiciye) Farmaajo?
Farmaajo ayaan khudbadiisa haba yaraatee aan kusoo qaadan khasaarihii xiisadihii ka dhashay muddo korodhsigii ay ku dhaqaaqeen isaga iyo kooxda taageersan oo keentay iska horimaadyo hubeysan oo uu dhiig ku daatay, una horseeday shacabka Muqdisho inay isaga qaxaan xaafadaha ku dhaw xarunta Villa Soomaaliya.
Ma doonayo inaan noqdo Qaxiye (Barakiciye) ayuu yidhi, isagoo dareensan dhawaaqii kasoo yeedhayey shacabka degan xaafadaha Hodan iyo Hawl-Wadaag oo guryahooda isaga barakacay, kuwaasi oo ku eedeeyey Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday inuu sababay in xaaladdu halkaasi gaadho.
Collective punishment (Ciqaab wadareed)
Waxaa usii dheer in Villa Soomaaliya korontadii iyo Biyihii ka jartay xaafadaha Hodan iyo Hawl-Wadaag tilbaadaasi oo u eeg mid lagu cunaqabateenayo shacabka xaafadahaasi ku nool ee taageerada u muujiyey xoogaga kasoo horjeeda Farmaajo oo hadda ku sugan meel aan ka fogeyn Madaxtooyada.
Falkan oo loo yaqaan Collective punishment ayaa ah fal ka dhan ah Xaquuqul Insaanka, waxaana ka yaalla xeerar caalami ah.
Maaha markii ugu horreysay oo uu Farmaajo biyaha iyo korontada ka jaro dhinacyada kasoo horjeeda, wuxuu sidan biyaha iyo Koronatada uga jartay Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal sannadkii 2018, kadib markii xildhibaano mooshin ka keeneen Farmaajo.
Maxamed Farmaajo oo Golaha Shacabka xilligaasi wixii ka dambeeyey ka dhigtay aalad uu si gaar ah danihiisa ugu isticmaalo ayaa sheegay inuu Sabtida soo socota markale hortagi doono Golahaasi wakhtigiisii dhamaaday.
Farmaajo ma sidii Khayre u riday buu damacsan yahay inuu u rido Rooble oo isaguna ka horyimid qar iska tuurka Farmaajo ee xil korodhsiga?
Fashilinta Wadahadalka iyo Dagaal hurinta!
Farmaajo oo lagu sheego “Tanaasul-badanaha aan weligiis Tanaasulin” ayaa ka faa’iideysan waayey dhammaan fursadihii soomaray laga soo bilaabo wadahaladadii Dhuusamareeb illaa iyo Teendhadii Afisyoone, isagoo ka doorbiday inuu awood ciidan u adeegsado dhinacyada kasoo horjeeda gaar ahaan murashaxiinta ku sugan caasimada Soomaaliya.
Tiro ciidamo ah oo uu shalay ka keenay magaalooyinka Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Beledweyne ayuu ka rajo qabaa inay gacan kasiiyaan culeyska ciidan ee uga yimid ciidamada kasoo horjeeda xukunkiisa oo hada ku hareeraysan xaafada uu degan yahay.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland waxay Muqdisho fadhiyeen 40 maalmood, si loo aado doorasho loo dhan yahay la isla oggol yahay, haddii heshiiskii 17 Sept sidiisa lagu saxeexi lahaa ma intaas ayey u fadhin lahaayeen.
Waxaas oo dhan waxaa isku fuuqsadey Farmaajo oo ciyaaray kaadhkiisi ugu dambeeyey ee ahaa muddo korodhsi, iyada oo weli shirkii teendhadu furan yahay, maxaa u diidey in uu muddo korodhsigiisa ku socdo haddii ay u meel mareyso.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ma waxaa laga sugaayey in uu yidhaahdo shir hala isugu yimaaado lagu saxeexi 17 Sept 2020, miyaanu ogeyn in heshiiskaasi saxiixan yahay ee waxa la isku hayaa yahay muddo xileedkiisa dhammaadey iyo awoodaha uu sida khaldan u isticmaalayo, mise waxaa laga sugaayey in uu ka hadlo
Ka noqoshada 12 Abril
In uu awoodiisa qeexo
In awoodda doorashada iyo amniga ku wareejiyo Raysal wasaare Rooble
ama in uu is-casilo
Mudaaharaad lagu soo dhaweeyey khudbadii lagu hungoobey
Xaafadaha magaalada Muqdisho ayey xalay markale ka dhaceen mudaharaadyo shacabka dhigeen oo looga soo horjeedo xukunka Farmaajo xili ay ciidamada kasoo horjeeda hogaamiyahaasi wakhtigiisa dhammaaday ay dhufeysyo cusub ka qoteen qeybo kamid ah waqooyiga magaalada Muqdisho.
Gebagebo
Ma mudna in Farmaajo lagu tilmaamo Madaxweynihii hore ee Masar oo ahaa nin ka talinayey dowlad heysata ciidammada ugu badan Afrika iyo waliba dhaqaale ku filan, hase yeeshee Macangagnimada Kalitaslinimadu waxay ku bidaa inaad damacdo si kasta oo aad xukunka ku joogi kartid inaad fasho xataa haddii uu dhiig badan ku daadanayo.