Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidammada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Askari Gabadh Gacan U Qaaday

focus

Ciidammada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Askari Gabadh Gacan U Qaaday

Ciidammada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Askari Gabadh Gacan U Qaaday

(SLT-Hargeysa)-Booliiska Somaliland, ayaa sheegay in ay xidheen askari, uu muuqaalkiisu baraha bulshada ku baahay isagoo gabadh gacan u qaadaya.

Warbixin lagu daabacay boga Facebook ee ciidanka booliiska, ayaa lagu sheegay in gabadha uu askarigu gacanta u qaaday ay ahayd gabadh Oromo ah.

Booliiska ayaa sheegay in dhacdadani ay dhacday xili ay ciidanka booliisku ku guda jireen howlgal dadka bilaa sharciga ah lagu mastaafurinayay.

Booliiska ayaa sheegay  madama oo sida uu askarigu uga falceliyay arrinka gabadha anay wanaagsanayn askarigii la xidhay isla markaana sharciga la marin doono.

Warbixinta ayaa lagu yidhi “Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu Bulshadiisa Xariirta ah Ee wada shaqaynta Fiican ka dhaxayso u bayaaminayaa Arinta ilaa maanta social meida ku jirta ee askariga gabadha gacanta u qaaday in gabadhaasi ahayd gabadh Ethiopian (Oromo)

Wakhtigan oramada dalka waa laga mastaafuriyaa askarigaas oo shaqadiisa ku jiraa waxa uu bilaabay in uu nin qaba gabadhan askarigu gacanta u qaaday ay qabtaan, intaa ka dib gabadha iyo koox kale oo wadato ayaa gacan ka hadal bilaabay faro saarayna askarigaasi dhibtuna taas ayaa ka timi.

Askarigu hawshiisa siduu u wajahay oo khaldanayd awgeed wuu xidhanyahay Talaabada ku habaana waa laga qaadi.

Ciidanku waxay dadwaynaha ka Codsanayaan in ay gacan ku siyaan qabashada dadka sharci darada ku jooga Dalka.

ALLE MAHAD LEH”

More in focus

To Top