Connect with us

somalilandtoday.com

Tallaabo Uu Qaaday Wasiirka Difaaca Sweden Oo Ka Cadheysiisay Turkiga

focus

Tallaabo Uu Qaaday Wasiirka Difaaca Sweden Oo Ka Cadheysiisay Turkiga

Tallaabo Uu Qaaday Wasiirka Difaaca Sweden Oo Ka Cadheysiisay Turkiga

(SLT-Anakara)-Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga ayaa u yeedhay safiirka Sweden ee Ankara, si ay uga ashtakooto xidhiidh dhex maray laba wasiir oo Swedish ah iyo xubnaha ka tirsan kooxda Ciidamada Dimoqraadiga Syria (SDF), oo Ankara ay u aragto urur argagixiso, sida ay sheegeen ilo-wareedyo diblomaasi.

Turkiga ayaa SDF u aragta inay ka tirsan tahay kooxda PKK ee Kurdish-ka ee dalkaas laga mamnuucay, taasi oo dagaal tobaneeyo sano socda ku qaadeysay Turkiga. Ankara ayaa sheegta in kooxda Kurdish-ka Syria ee YPG, oo ah garabka militari ee SDF, ay ka dhalatay PKK.

Ilo-wareedyada Turkish-ka ayaa ayaa sheegay in safiirka Sweden looga wacay wasaaradda, sababo la xidhiidha wada-hadal video ah oo dhex maray Wasiirka Difaaca Sweden Peter Hultqvist iyo xubno sare oo ka tirsan SDF.

Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray in wada-hadalladan ay yimaadeen waxyar un kadib markii uu xidhiidh dhex-maray Wasiirka Arrimaha Dibedda Sweden Ann Linde iyo “argagixisada.”

Safiirka ayaa lagu yidhi in Turkiga ay “si xooggan u cambaareysay” xiriirka, islamarkaana “siyaasadaha halista ah ee Sweden aysan taageereyn kaliya kuwa beegsanaya madax-banaanida Syria iyo amniga Turkey, balse ay ka dhigan yihiin xadgudub cad oo lagu sameeyey xeerarka caalamiga, ayna sidaas darteed waxyeeleynayaan xiriirkeena,” ayey yidhaahdeen ilo-wareedyada.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sweden ayaa xaqiijisay in loo yeeray safiirka, waxayna sheegtay in dowladda aysan la kulmin ururada ku jira liiska ururada argagixisada ee Midowga Yurub.

Reuters

More in focus

To Top