Connect with us

somalilandtoday.com

Dagaal Dad Badan Ku Dhinteen Oo Maalintii Labaad Ka Socda Gobolka Sool

focus

Dagaal Dad Badan Ku Dhinteen Oo Maalintii Labaad Ka Socda Gobolka Sool

Dagaal Dad Badan Ku Dhinteen Oo Maalintii Labaad Ka Socda Gobolka Sool

(SLT-Laascaanood)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo shalay galinkii dambe ka qarxay deegaanka Dhabar-dalool oo tirsan degmada Xudun ee gobolka Sool.

dagaalkaan ayaa waxa uu u dhexeeya laba Beelooda oo deegaankaas wada dega oo muddooyinkii dambe ay taagneyd xiisad u dhaxeysa labada dhinac balse dhawr jeer la xaliyay.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, sida ay dadka deegaanka sheegeen, waxaana lasoo warinayaa in ilaa tobaneeye qof oo labada dhinac ah ay ku naf waayeen dagaalkaas.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga waxa uu salka ku hayo dagaalkaan, waxaana soo baxaya warar sheegaya in labada beelood ay isku haysteen dhul ballaadhsi, kadib markii mid kamid ah beelahaas uu qorsheynayay inuu Ceel-biyood ka qoto deegaanka Dhabar-dalool

Mana jiro ilaa hadd wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland iyo laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalka labada beel oo sababsday geerida dadka badan marka laga reebo baaqyo nabadeed oo loo diray.

Wixii ka soo kordha kala socda Somalilandtoday

More in focus

To Top