Connect with us

somalilandtoday.com

Xaaladda Somalia: Falaadhii Cirka Loo Ganay Nin Walbow Filo W/Q Cali Guray

focus

Xaaladda Somalia: Falaadhii Cirka Loo Ganay Nin Walbow Filo W/Q Cali Guray

Xaaladda Somalia: Falaadhii Cirka Loo Ganay Nin Walbow Filo W/Q Cali Guray

Runtu fanto maaha eh kii Farmaajo si fiican buu u jiidhay nimankii ku haystay kursiga. Hadda waxay isku jiraan dawladihii waawaynaa ee reer galbeedka oo gaashaanka ku dhuftay muddo kordhintii dhinaca keliya ahayd. EUda ayaa sidii kale ka hor yimi. Waxa miiska saaran cunaqabatayno la saari doono Farmaajo, xubnaha shirgudoonka aqalka hoose ee Barlanka ansixiyay muddo kordhinta aan heshiiska lagu ahayn isla markaana uu diiday Aqalka Sare, iyo weliba madaxda dawlad goboleedyada ka tirsan Federaalka ee taageera go’aanka dhinaca keliya ah. Hadaba Farmaajo ma aqbali doonaa in laga noqdo muddo kordhintan dibna ugu soo noqdo wadahadaladii socday mise wuxu ku adkaysan mawqifkiisa ah “ faraha kala baxa arimaha gudaha ee Somaliya idinka maaha shaqadiina eh?”. Malahayga kuma adkaysan karo waayo caqligiisa ayuu qabaa. Hadiise uu ku adkaysto maxaa laga fili karaa xaaladda Somalia in ay ku dambayn karto? Tu walba ka yaab saw maaha iyo falaadhii cirka loo ganay nin walbow filo

W/Q Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

More in focus

To Top