Connect with us

somalilandtoday.com

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Somaalida Iyo Canfarta Iyo Xaalad Adag Oo Heysata Dad Ku Barakacay

focus

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Somaalida Iyo Canfarta Iyo Xaalad Adag Oo Heysata Dad Ku Barakacay

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Somaalida Iyo Canfarta Iyo Xaalad Adag Oo Heysata Dad Ku Barakacay

(SLT-Siti)-Dagaalladii dhawaanahan xadka deegaannada Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Itoobiya ku dhex maray labada qowmiyadood ee deriska ah ayaa waxaa ku barakacay boqollaal qoysas ah.

Barakacayaasha oo ku sugan dulleedka tuulooyinka ay dagaallada ka dhaceen ayaa sheegay inay halkaasi ku haysato macluul iyo biyo la’aan daran.

Deeqa Axmed Cawaale oo barakacayaashaasi ka mid ah oo haatan ku sugan duleedka magaalada Caddeyti ayaa BBC u sheegtay in ayna heysan hoy, isla markaana ay waajahayaan biyo iyo cunto la’aan.

Waxaa dhawaan Magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya lagu soo gabagabeyay wadahadal u dhaxeeyay madaxweynayaasha dowlad deegaannada Soomaalida iyo Canfarta kaasi oo xal loogu raadinayo dagaallo maalmihii la soo dhaafay labada qoomiyadood ku dhaxmaray qaybo ka mid ah gobalka Siti.

More in focus

To Top