Connect with us

somalilandtoday.com

Koonfur Afrika: Ganacsade Soomaali Ah Oo Toogasho Lagu Dilay Iyo Kuwo Kale Oo Badbaaday

focus

Koonfur Afrika: Ganacsade Soomaali Ah Oo Toogasho Lagu Dilay Iyo Kuwo Kale Oo Badbaaday

Koonfur Afrika: Ganacsade Soomaali Ah Oo Toogasho Lagu Dilay Iyo Kuwo Kale Oo Badbaaday

(SLT-Cape Town)-Kooxo hubeysan oo budhcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay habeenkii xalay ahayd deegaan ka tirsan Magaalada Cape-town ee dalkaas ku dileen nin Soomaali ah oo kamid ahaa dadka halkaas ku lahaa goob Ganacsi.

Budhcadda ayaa weerar ku qaaday nin Soomaaliga ah, xili uu watay gaadhi, isla markaana socdaal ku marayay xaafadda Elsie’s River ee Magaalada Cape Town, iyagoona rasaas xoogan ku furay, kadibna uu ku dhintay.

Allaha u naxariistee ninka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Ilyaas, waxaana weerarka lagu qaaday ka badbaaday saddex kale oo Soomaali ah oo gaadhiga la saarnaa.

Raggii hubeysnaa ka dambeeyay falka ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, isla markaana waxaa durbo xaafadda Elsie’s River tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika oo sameeyay baadhitaano aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Dalka koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal inta badan dilal kala duwan iyo boob loogu geysto dadka Soomaalida ah, waxaana sannadkaan gudihiisa lagu dilay Soomaali badan oo lahaa goobo Ganacsi.

More in focus

To Top