Connect with us

somalilandtoday.com

Itoobiya Oo Si Kulul U Eedeysay Masar Iyo Suudaan

focus

Itoobiya Oo Si Kulul U Eedeysay Masar Iyo Suudaan

Itoobiya Oo Si Kulul U Eedeysay Masar Iyo Suudaan

(SLT-Addis Ababa)-Itoobiya ayaa ku eedeysay Masar iyo Suudaan inay caqabad ku yihiin wadahadallada la doonayo in lagu xalliyo khilaafka ka dhashay muranka biyaha webiga Nile.

Wadahadalladii ugu dambeeyay ayaa lagu guuldareystay iyadoo dhinacyada ay isku jeediyeen eedeymo, waxaana wadahadalladaas lagu qabtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa sheegtay in wadahadallada lagu guuldareystay kadib markii Masar iyo Suudaan ay ku dhageen qodobo laisku heystay oo ku saabsan saamiga biyaha webiga Nile.

Itoobiya waxay sheegtay in ‘labadan dal ay qaadeen tallaabooyin ay kaga hortagayaan hannaanka wadahadallada ah ee lagu xallinayo muranka ee uu hoggaaminayo Midowga Afrika’

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Suudaan ayaa sheegtay in Itoobiya u handdadeyso dadka uu ka dhexeeyo qeybsiga biyaha Nile gaar ahaan shacabka Suudaan.

Muranka waxaa udub-dhexaad u ah qorshaha lagu buuxinayo biyo-xidheenka iyadoo Masar iyo Suudaan ayaa ka baqayaa in mashruucu uu Itoobiya u suurto-gelin doono inay maamusho biyaha webiga ugu dheer Afrika.

Marka la dhammeystiro, Biyo-xireenka Grand Renaissance, ee ay itoobiya dhiseyso, wuxuu noqon doonaa barta ugu weyn Afrika ee laga dhaliyo quwadda korontada ee biyaha.

More in focus

To Top