(SLT-Brazil)-Maxkamad ku taalla dalka Brazil ayaa ku amartay madaxweynaha dalkaas Jair Bolsonaro inuu magdhow siiyo gabadh weriye ah kaddib markii uu ka sheegay hadal aan habbooneyn.
Mr Bolsonaro ayaa sannadkii la soo dhaafay sheegay in Patrícia Campos Mello ay galmo usoo bandhigtay qof ay dooneysay inuu warbixin khaldan ka sheego madaxweynaha.
Garsooraha ayaa sheegay in hadalka Mr Bolsonaro uu dhaawacay sumcadda weriyaha.
Madaxweynaha ayaa lagu amray inuu magdhow ahaan gabadha u siiyo 20,000 reais (£2,500; $3,500). Racfaan ayuuse ka qaadan karaa xukunka.
Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka ayay Ms Campos Mello, oo ah weriye hore ugu guulleysatay abaal marin una shaqeysa wargeyska Brazil laga leeyahay ee Folha de S.Paulo, ayaa sheegtay in go’aanka qareenka uu yahay “guul u soo hoyatay dhammaan haweenka”.
Ururka Weriyeyaasha Ka dhanka ah Tacaddiyada ayaa sheegay in xukunka maxkamadda uu guul weyn u yahay gabdhaha weriyeyaasha ah iyo saxaafadda dalka Brazil.
Mr Bolsonaro, oo ah madaxweyne ka tirsan xisbiga garabka midig isla markaana xilka hayay tan iyo bishii January 2019, waxaa lagu yaqaannaa hadallo aan habbooneyn oo ka dhan ah weriyeyaasha cambaareeya maamulkiisa.
Ms Campos Mello ayaa madaxweynaha ka gudbisay dacwad ka dhan ah hadalkii uu ka sheegay February 2020.
Warbixin lagu soo daabacay wargeyska Folha ayaa waxaa Mr Bolsonaro lagu eedeeyay in Ms Campos Mello uu u geystay gef.
Mr Bolsonaro ayaa sheegay in gabadha weriyaha ah ay dooneysay inay sameyso wax walba oo isaga ka dhan ah.
Ms Campos Mello ayaa dhowr warbixin oo baaritaan ah ka qortay koox ka dhisan WhatsApp-ka kuwaas oo taageero u muujinayay ololihii doorashada Mr Bolsonaro ee doorashadii 2018.
Bishii January, Ms Campos Mello ayaa ku guuleysatay kiis ka dhan aha wiilka madaxweynaha Eduardo, oo ka tirsan baarlamaanka aqalka hoose ee Kongareeska Brazil.
Wuxuu muuqaal bishii May la soo dhigay barta YouTube ku sheegay in weriyaha ay isku dayday inay shukaansato qof ay ka dooneysa inuu siiyo warbixin ka dhan ah aabbihiis.
Xaakimka ayaa sheegay in hadalkaasi uu gef ku yahay sumcadda weriyaha, wuxuuna wiilka Mr Bolsonaro ku amray inuu gabadha magdhow ahaan u siiyo 30,000 reais.