Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda UK Oo Si Kulul Uga Hadashay Xaaladda Soomaaliya

focus

Dowladda UK Oo Si Kulul Uga Hadashay Xaaladda Soomaaliya

Dowladda UK Oo Si Kulul Uga Hadashay Xaaladda Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Dowladda UK ayaa shaacisay in ayna taageeri doonin ficil kasta oo muddo kordhin loogu sameynayo hay’adaha muddo xileedkoodu uu dhammaaday ee Soomaaliya, xilli ay sii kordhayaan tuhuno arrintaas la xidhiidha.

“UK ma taageeri doonto ficil kasta oo hoggaaminaya doorasho hal dhinac ah, hanaan doorashooyin oo is-dhinac socda, iyo muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore,” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yidhi wasiirka UK ee Afrika James Duddridge.

Duddridge ayaa hoosta ka xariiqay baahida deg degga ah ee loo qabo in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay isku yimaadaan ayna gaadhaan heshiis ku aadan hirgelinta hanaan doorasho, si waafaqsan hanaankii la isku raacay 17-kii September, iyo tallo soo jeedintii Guddiga Farsamo ee Baydhaba ee 16-kii Febraayo.

“Danta shacabka Soomaaliya darteed, iyo danaheena guud ee amniga, horumarka iyo kobaca Soomaaliya, waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha Soomaaliya inay ka guulleystaan is-mari waagan, ay yeeshaan wada-hadallo wax ku ool ah, ayna sida ugu dhaqsiyaha badan u qabtaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo,” ayuu yidhi James Duddridge.

Baaqa UK ayaa imanaya iyada oo maalmihii ugu dambeeyey ay Muqdisho kusii xoogeysaneysay hadal-hayn ku saabsan isku day muddo kordhin oo ay wadaan xildhibaanada qaar.

Sidaa kale waxaa jira shaki weyn oo ka dhashay kulan maanta loogu yeedhay xildhibaanada golaha shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office

More in focus

To Top