Connect with us

somalilandtoday.com

KENYA Oo Ka Cago Jiideysa Inay Fuliso Heshiis Muhiim Ah Oo Ay La Gashay Somaliland

focus

KENYA Oo Ka Cago Jiideysa Inay Fuliso Heshiis Muhiim Ah Oo Ay La Gashay Somaliland

KENYA Oo Ka Cago Jiideysa Inay Fuliso Heshiis Muhiim Ah Oo Ay La Gashay Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa badhtamihii bishii December ee sannadkii hore 2020-ka heshiis lagu tilmaamay muhiim ah la gashay dowladda Kenya.

Heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa qalinka ku wada duugay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi iyo midka Kenya, Uhuru Kenyatta, kadib socdaal uu dalkaas ku tagay madaxweynaha Somaliland.

Heshiiska labada dhinac oo fulintiisa lagu sheegay inay dhacayaan bisha geba-gebada ah ee March, 2021-ka, ayeyna muuqan illaa hadda wax dhaq-dhaqaaq ah oo laga sameeyay heshiiskaas.

Waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa kamid ahaa in dowladda Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa dabayaaqada bisha March ee sanadka 2021-ka, sidoo kalena Somaliland kor u qaaddo meeqaamka xafiiskeeda Magaalada Nairobi.

Sidoo kale waxaa heshiiskaas qeyb ka ahaa in Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos ah oo isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa, marka la gaadho isla dabayaaqada bisha March ee sannadkaan.

Heshiiskaas ayaa waxa kale oo ku jiray qoddob xasaasiya oo dhigayay in madaxda Somaliland ‘Dal ku Galka Kenya’ la siiyo marka ay gaadhan Kenya, ayaga oo wata Baasaaboorka Somaliland.

Si kastaba, waxaa fulinta heshiiskaas oo ku mudeysneyd bisha March gebi ahaanba ayna muuqan wax ifafaalo ah oo muujinaya in heshiiskaas uu si dhab ah u dhaqan-galayo, iyada oo si weyn uga meeraysanaysa Kenya.

More in focus

To Top