Connect with us

somalilandtoday.com

“Waxaan Diyaar U Ahay Dood Furan Oo Cadaynteeda Leh…” Wasiir Cabdillaahi Abokor Oo U Jawaabay Xoghaye Khadar

focus

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa ka jawaabay Hadal ka soo yeedhay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadani Kaasi oo uu ku dalbaday inay wada yeeshaan Dood Furan.

C/laahi Obokor Cismaan, Wasiirka Gaadiid iyo Horumarinta Jidadku waxa uu ku Jawaabay

“Sxbkay Khadar Faji “ Magac Bilaash uma baxo” Waxaa Marag kuugu filan camalkaaga ee dib isku qiime.
Aqoontu maaha article la soo akhriyo lagana akhriyo Mass-media-yaha ee Waa barasho iyo ku dhaqan rasmi ah. Dawladnimadda iyo Wasaaraddaha waa lagaaga Aqoon, Waayo-aragnimo iyo Kartiba badan yahay, Waligaana Kamaad shaqayn Xafiisyada Bixiya Adeega Dadweynaha”.

“Macal Cunne soo Bixi Doonaa” Waxaan diyaar u ahay Dood- Furan oo cadaynteed leh, Waxaad keeni doontaa cadaymo ku filan difaacaaga” Labba Faras Fuulka………”,

Ugu dambayn, waxaan sxbkay leeyahay Sxbkaana keen goobta, Codkana soo noolee”

More in focus

To Top