Connect with us

somalilandtoday.com

Abiy Axmed Oo Markii Ugu Horreysay Qiray In Ciidamo Ereteriyaan Ku Sugan Yihiin Gobolka Tigreyga

focus

Abiy Axmed Oo Markii Ugu Horreysay Qiray In Ciidamo Ereteriyaan Ku Sugan Yihiin Gobolka Tigreyga

Abiy Axmed Oo Markii Ugu Horreysay Qiray In Ciidamo Ereteriyaan Ku Sugan Yihiin Gobolka Tigreyga

(SLT-Addis abab)-Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa  qiray markii ugu horreysay in ciidamo  Eritrea – yaan ah  ku sugan yihiin gobolka Tigreega kaddib markii uu qarxay dagaalkii bishii November.

Muddo bilo ah ayeey labada dalba si is daba-joog ah  beenninayeen in ciidamada ay ka gudbeen xadka.

Abiy Ahmed ayaa u sheegay mudanayaasha Baarlamaanka in ciidamada Eritrea  ay yimaadeen iyagoo ka baqaya in ay weeraraan dagaalyahanada gobolka ee Tigray.

Iska hor imaadkan ayaa bilaamay kaddib markii Jabhada xoreynta dadka Tigreega (TPLF) ay qabsatay xarumo ciidan oo ku yaalla gobolka.

Kooxda TPLF ayaa ahayd xisbiga xukuma gobolka Woqooyiga Itoobiya, laakiin khilaaf aad u weyn ayaa soo kala dhaxgalay Xisbigan iyo waliba xukuumadda uu horkacayo Raysal Wasaare Abiy Ahmed.

Inkasta oo TPLF laga saaray xukunka Tigray dhammaadkii bishii November  islamarkaana Mr Abiy uu shaaca ka qaaday in khilaafkii la soo afjaray, haddana dagaallada ayaa wali ka sii socda qaybo ka mid ah gobolka.

More in focus

To Top