Connect with us

somalilandtoday.com

Wararkii U Dambeeyay Ee Shirka Saaka Ka Furmaya Muqdisho FARMAAJO Iyo Waftiyo Kale Oo Gaadhay Goobta, Madaxweynayaasha Jubaland Iyo Puntland Oo La Xaqiijiyay In Ayna Ka Qayb Geli Doonin Shirka

focus

(SLT-Muqdisho)-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow ay teendhada Afisyooni gaadheen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, raysal wasaaraha xukuumadda xil gaadhsiinta  Maxamed Rooble iyo madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Waxaa kale oo goobta ku sugan teendhada Madaxweyneyaasha Galmudud Axmed Qoorqoor iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Shirkan ayaa la filayaa in lagu dhammeystiro heshiiskii September 17 iyo is afgaradkii guddiyada farsamo ay ku gaadheen Baydhabo 15-16-kii bishii hore.

Farmaajo iyo kooxdiisa waxaa ay doonayaan in ajendaha lagu koobo wixii kasoo baxay guddiga farsamo ee Baydhabo iyo qodobadii 3-da ahaa ee lagu kala kacay Dhuusamareeb 4 ee kala ahaa: Guddiyada doorashada, Gedo iyo Somaliland.

Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo taageero ka heysta madasha badbaadada qaran ayaa qaba in ajendaha lagu darro amniga doorashada iyo cidda sugeysa, in wax laga badalo booliiska, in shaqada laga joojiyo taliyeyaal ku lug lahaa weerarka mucaaradka ee 19 Febraayo, in Farmaajo uu saxeexo warqad uu ku laalayo awoodihiisa, in xukuumadda ay sii wado arrimaha doorashada, in la dhiso guddi qaran oo muddada kala guurka maamula dalka oo xukuumadda iyo guddoonka ay baarlamaanka ay u matali doonaan iyo arrimo kale.

Dad xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland aysan  ka qayb geli doonin shirka Maanta ka dhacaya Aviazone iyadoo Ay ku sababeeyeen in Laga baxay qaybo kamid ah waxyaabihii lagu heshiiyay in shirka ay ka qayb galaan.

Somalilandtoday.com kals soco wixii warar ah ee ka soo kordha

More in focus

To Top