Connect with us

somalilandtoday.com

Baadhitaan Lagu Ogaaday Waxtarka Tallaalka Ee Oxford-Astrazeneca Ee COVID-19

focus

Baadhitaan Lagu Ogaaday Waxtarka Tallaalka Ee Oxford-Astrazeneca Ee COVID-19

Baadhitaan Lagu Ogaaday Waxtarka Tallaalka Ee Oxford-Astrazeneca Ee COVID-19

(SLT-Washington)-Daraasad maanta soo baxday ayaa muujineysaa in tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 ee Oxford-AstraZeneca uu yahay mid ammaan ah iyo waxtar leh.

Mareykanka ayaa in muddo ah baadhitaan ku sameynayay isticmaalka tallaalka.

In ka badan 32,000 qof isa soo bixiyay ayaa ka qeyb qaatay daraasadda kuwaas oo ku sugan Mareykanka, Chile iyo Peru.

Waxaana la sheegay in tallaalka uu boqolkiiba 79 uu leeyahay awood uu ku hor istaago in caalamadaha cudurka ay soo ifbaxaan halka boqolkiiba boqol uu waxtar u leeyahay ka hortagga cudurka.

Tiro waddamo ah ayaa go’aansaday in ay joojiyaan isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca, ka dib markii ay soo bexeen warbixinno sheegaya in dadka qaarkood ay ku dhacday xinjirowga dhiigga ka dib markii la siiyay tallaalka.

Dalalka Yurub ayaa soo gabagabeeyay baadhitaan ay ku sameynayeen tallalaka, waxay sheegeen in tallaalka uu yahay mid ammaan ah oo waxtar leh.

Ha’yadda Caafimaadka Adduunka waxay ugu baaqday dalalka caalamka in ay joojin isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca.

Balse afhayeen u hadashay WHO ayaa maanta sheegtay in aanu jirin wax xidhiidh ah oo ka dhaxeeya tallaalka iyo xinjirowga dhiigga.

More in focus

To Top