Connect with us

somalilandtoday.com

Dalkee Sannadkan Ku Guulleystey Waddanka Ugu Farxada Badan Caalamka?

focus

Dalkee Sannadkan Ku Guulleystey Waddanka Ugu Farxada Badan Caalamka?

Dalkee Sannadkan Ku Guulleystey Waddanka Ugu Farxada Badan Caalamka?

(SLT-Finland)-Iyadoo maanta ay tahay maalinta farxada adduunka ayaa waxaa la soo saaray warbixin ku saabsan dalalka ugu farxada badan caalamka iyadoo sannad walbana la soo saaro warbixinta.

Warbixinta laga diyaariyay waddamada dunida ugu farxadda badan kaalinta koowaad ayaa waxaa markale ku guuleystey dalka Finland halka kaalinta labaad ka galay dalka Denmark, halka dalalka Swizerland, Iceland iyo Netherland ay kaalmaha xiga galeen.

New Zealand oo ka baxsan waddamada qaaradda Yurub ayaa ka mid noqday liiska 10-ka dal ee dunida ugu farxadda badan. Ingiriiska oo sannadki hore ku jiray kaalinta 13-aad, wuxuu sanadkan u daadagay kaalinta 17-aad.

Kooxaha daraasadda sameeyey waxay su’aalo weydiiyeen dadyow kala duwan oo ku nool 149 dal si ay u ogaadeen farxadda ay haystaan.

Qodobbada daraasadda lagu eegayeyna waxaa ka mid ahaa taageerada buslho uu helo, xurriyadda shaqsiyadeed, wadarta wax soo saarka gudaha (GDP) iyo heerka musuqmaasuq ee dalkaasi oo iyaduna ka mid ahayd waxyaabaha daraasadda qaybta ka ahaa.

Waddamada ugu farxadda yarn dunidana daraasaddu waxay ku sheegtay iney yihiin dalalka Afghanitsaan, Lesotho, Botswana, Rwanda iyo Zimbabwe.

New Zealand waa dalka keli ah ee waddamada midowga yurub ka baxsan ee ka mid noqday 10-ka dal ee duniga ugu farxadda badan

Warbixinta qaramada midoobay ay soo saartay 10-ka dal ee ugu farxadda badan waxay ku sheegtay iney yihiin:

Finland

Denmark

Switzerland

Iceland

Netherlands

Norway

Sweden

Luxembourg

New Zealand

Austria

More in focus

To Top