Connect with us

somalilandtoday.com

WADDANI Oo Ku Dhawaaqay Inay Soo Gebo-gabeeyeen Kala Saarista Iyo Soo Xulista Murashixiinta Golleyaasha Deegaanka Somaliland.

focus

Guddida kala saarista iyo soo xulista Murashixiinta Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada ee Xisbiga WADDANI ayaa ku dhawaaqay in ay soo gebo-gabeeyeen kala saarista iyo soo xulista Murashixiinta Golayaasha Deegaanka ee dalka JSL ee uga tartami doonna Xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha Guddida Mudane Xil Cabdilqaadir Jirde ayaa warbaahinta u sheegay in ay maanta si rasmi ah u gunaanadeen howshii kala xulista musharrixiinta oo ay wadeen muddo ku siman 3 billod, isla markaana ay u mareen kala xulista hannaanka xeerka doorashada, xeer nidaamiyaha kala xulista iyo xeer hoosaadka Xisbiga WADDANI.

More in focus

To Top