(SLT- Stockholm)-Dalal badan oo ku jira Midowga Yurub ayaa hakiyey in ay sii wadaan talaalka Astra Zeneca waxaana dalalkaas shalay ku biirey dalka Iswiidhan. Wakaaladda Caafimaadka Dadweynaha ee Iswiidhan ayaa go’aansatay in nasasho laga galo talaalkaas illaa baadhitaanka ay Hay’adda Dawooyinka ee Yurub soo gebagebeyso baadhitaanka lagu tuhmayo talaalkan dhibaatooyin uu sababay.
Hore waxaa u hakiyey dalalka Denmark, Norway, Jarmalka, Faransiiska iyo Irlandi iyo kuwo kale, waxay joojiyeen in dadkooda lagu talaalo talaalka AstraZeneca ee COVID-19, maadaama qaar ka mid ah dadka la tallaalay lagu arkey dhiig xinjirow. Dalka Iswiidhan, kiis la mid ah lama soo sheegin, laakiin hakinta waxaa loo sameeyay nabadgelyo ahaan.
Sida laga soo xigtay khabiirka ku takhasusay cudurrada faafa ee dalka Iswiidan Anders Tegnell, go’aanka Sweden sidoo kale waxaa sabab u ah helitaanka nooc cusub, oo suurta gal ah in uu sababay.
Hadda waxaa jira calaamado cusub oo ku saabsan nooc kale oo saameyn ah sida dhiig-baxa iyo wixii la mid ah. Waa saameyn aan caadi aheyn, waxaa jira kiisas faro ku tiris ah oo ka jira Midowga Yurub. Laakiin baadhis ayaa la bilaabay waxaana u maleyneynaa inay macquul tahay inaan hakino, ayuu yidhi Tegnell isaga oo la hadlay Radio Sverige.
Wakaaladda dawooyinka Yurub ee loo soo gaabiyo (EMA) iyo maamulada caafimaadka ee dalal badan oo Yurub ah ayaa hadda baadhaya warbixinada la tuhunsan yahay ee waxyeelada dhiig xinjirowga iyo dhiigbaxa dadka lagu tallaalay Astra Zeneca ee Covid-19.
Baadhitaanku wuxuu diirada saari doonaa warbixinnada la tuhunsan yahay ee waxyeelooyinka ee la helay maalmihii la soo dhaafay si loo go’aamiyo haddii uu jiro xidhiidh u dhexeeya tallaalka iyo kiisaska la soo sheegay ee Dhiig xinjirowga iyo weliba Dhiig baxa.
Sida laga soo xigtay hay’adda EMA, wali ma jiraan wax muujinaya in tallaalku uu sababay xinjirowga dhiigga.
Baadhitaan cusub ayaa la daabici doonaa Khamiista
Astra Zeneca ayaa sheegtay inay ka war hayaan 37 kiis oo xinjirowga dhiigga ah ee dadka lagu tallaalay tallaalkooda. Kiisaska qaarkood waxay ahaayeen kuwo dilaa ah.
Wadar ahaan 17 milyan oo qof ayaa lagu tallaalay tallaalka corona ee Astra Zeneca ee EU iyo UK. Si kale haddii loo dhigo, dad yar ayaa ku dhacay xinjirowga dhiigga oo ah saameyn dhinaca ah.
Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Wakaaladda Daawada Yurub ee EMA waxay ka wada hadlayaan tallaalka Astra Zeneca waxaana markii hore loo qorsheeyay in EMA ay faallo ka bixin doonto tallaalka Astra Zeneca ee la xidhiidha soo bandhigidda baadhitaankeeda Khamiista. Laakiin hadda EMA waa la beddelay waxaana la filayaa inuu faallo ka bixiyo tallaalka Astra Zeneca.