Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Imaaraadka Carabta Oo Ka Hadashay Xafiiska Ay Ka Furatay Hargeysa Iyo Shaqada Uu Qabanayo Safiirka Ay U Soo Magacowday

focus

Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa sheegtay in xafiiska cusub ee ay ka fureen Hargeysa iyo wakiilkoodu u direenba uu noqon doono mid ka shaqeeya iskaashiga labada Dawladdood ee Somaliland iyo Imaaraadka.

Wakiilka cusub ee Dawladda Imaaraadka Carabtu u soo magacowday Somaliland Abdullah Muhammad Al Naqbi oo dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi ka gudoomay waraaqihiisa aqoonsiga, ayaa markii uu la kulmay madaxweyne Biixi waxa uu soo gaadhsiiyey farriin salaan iyo hambalyo ah oo uu ka siday Madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, madaxweyne kuxigeenka, Raysal Wasaaraha iyo madax kale oo ka tirsan Waddankaasi

Sida ay baahisay maanta Wakaalada wararka Imaaraadka ee WAM, ambassador Abdullah Muhammad Al Naqbi, ayaa imaanshihiisa Somaliland, wax weyn ka tari doono xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee labada Waddan, isaga oo xusay in Xafiiskiisu fududeyn doono, diyaarna uu u yahay ka shaqaynta danaha labada dhinac.

Al Naqbi, waxa hoosta ka xariiqay in Imaaraadku danaynayo xoojinta xidhiidhka u dhexeeya labada Waddan ee dhinacyada kala duwan leh.

More in focus

To Top