Connect with us

somalilandtoday.com

Dowlad Mamnuuceysa Xidhashada Xijaabka Iyo Muslimiin Ka Cadhooday

focus

Dowlad Mamnuuceysa Xidhashada Xijaabka Iyo Muslimiin Ka Cadhooday

Dowlad Mamnuuceysa Xidhashada Xijaabka Iyo Muslimiin Ka Cadhooday

Dalka Sri Lanka ayaa mamnuucaya xidhashada jilbaabka sidoo kalena waxaa la xidhi doonaa 1,000 madarasadood oo lagu barto diinta Islaamka, talaabadan ayaa si weyn u sameyn doonta muslimiinta tirada yar ee dalkaas ku nool.

Wasiirka nabad geliyad guud Sarath Weerasekera ayaa shir jaraa’id ka sheegay sabtidii shalay ka dib markii jimcihii golaha wasiirada ansixiyeen go’aankan, waxaana lagu sababeeyay sugidda amniga qaranka.

Sidan oo kale dowladda ayaa 2019 joojisay xidhashada jilbaabka ka dib markii qaraxyo lagu beegsaday Kiniisado iyo Hoteelo ku yaalla dalka Sri Landka, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 250 qof.

Muslimiinta Sri Landka ayaa go’aanka dowladda u arka mid xadgudub ku ah xuquuqdooda diineed iyo tan muwaadin.

Weerasekera ayaa sheegay in dowladda sidoo kale mamnuuceyso 1,000 madarasadood, kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay jabiyeen siyaasadda waxbarashada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Mamnuucista jilbaabka ay xidhaan gabdhaha muslimiinta ayaa daba socda go’aan dowladdu soo saartay sannadkii hore oo ahaa in qof kasta oo coronavirus u dhinta la gubo, go’aankaas oo ka soo hor jeeda sharciga islaamka.

More in focus

To Top