Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamad Dil Toogasho Ah Ku Xukuntay Askari Ka Tirsan Millatariga Somaliland

focus

Maxkamad Dil Toogasho Ah Ku Xukuntay Askari Ka Tirsan Millatariga Somaliland

Maxkamad Dil Toogasho Ah Ku Xukuntay Askari Ka Tirsan Millatariga Somaliland

Maxkamadda Ciidammada Millatariga Somaliland ayaa xukun ku riday  askari ka tirsan Ciidanka Millatariga Somailand oo lagu eedeeyay inuu hore si badheedh ah dil ugu geystay qof shacab ah.

Askariga ayaa waxaa la sheegay inuu qof shacab ah oo ahaa Macalin Iskuul uu ku dilay Magaalada Gabiley, isla markaana falkaas kadib ay soo qabteen Ciidanka Booliska oo xidhay.

Maxkamadda Ciidamada Milateriga ayaa waxaa la horgeeyay cadeymo la xidhiidha kiiska lagu helay askariga, iyadoona la tilmaamay in qoyska Ninka laga dilay ay dalbadeen in sharciga la marsiiyo askariga.

Ugu dambeyn Maxkamadda Ciidamada Millateriga Somaliland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday askariga dilay Ninka oo kamid ahaa Macallimiinta dugsiyada Magaalada Gabiley ee deegaanada Somaliland.

Maxkamadda Ciidamada Somaliland ayaa hore xukuno kala duwan oo isugu jiray dil toogasho ah iyo kuwo xabsi ah ku riday Askar ka tirsan ciidammada Somaliland oo falal kala duwan ka geystay halkaas.

More in focus

To Top