Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Oo Manata Qaatay Tallaalka Cudurka COVID-19

focus

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Oo Manata Qaatay Tallaalka Cudurka COVID-19

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Oo Manata Qaatay Tallaalka Cudurka COVID-19

Madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa daah-furay talaalka kahortaga cudurka Carona-Viruska, oo shaley soo gaadhay magaalada Jigjiga.

Xaflada daah-furkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin heer deegaan ah, wakiilo ka socday haayada caafimaadka aduunka(WHO) waxgaradka, cuqaasha iyo marti sharaf kale.

Talaalkan oo ay tiradiisu dhantahay 108-kun oo dhaws ayaa ah wajigii 1-aad ee soo gaadha Deegaanka Somalida ayuu halkii shaqsi qaadandonaa 1-dhaws, halka 30-maalmood Kadibna uu qaadan doono dhawska 2-aad sida ay dhakhaatiirta caafimaadku sheegeen.

Madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar oo xafladani ka hadlay, ayaa Sheegay in bulshadu ay sii xoojiyaan taxadarka balaadhan ee lagaga hortagayo caabuqan, madaama diwaangalintii cod-bixiyayaasha doorashada 6-aad ee Dalku bilahani soo socda bilaabmi doonaan.

Garaad kulmiye Garaad Maxamed Dool ayaa geestiisa soo dhaweeyay talaalka ka-hortaga caabuqa Covid-19, isagoona bulshada ku booriyay in ay taxadar dheeraad ah muujiyaan ilaa inta ay ka helayaan talaalkan.

Talaalka ayaa lagu bilaabi doonaa shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlgala cusbitaalada iyo xarumaha caafimaad iyo dadka da’da ah, waxaana lagu xigsiindoonaa dadka qaba xanuunada macaanka, dhiig-karka iyo xanuunada aan la isu gudbinin, dhawaan ayaana lafilaaa in lagaadhsiiyo Gobolada Deegaanka sida ay sheegeen masuuliyiinta xafiiska caafimaadku.

Guud ahaan Dalka itoobiya 2,510-qof ayaa u geeriyooday caabuqa Covid-19 (inta la ogsoonyahay) halka caalamkana malaayiin dad ah ay ku waayeen naftooda, hadase waxa ay u muuqataa in Dalal badan uu gaadhay talaalka kahortaga cudurka Carona-Viruska, taasi oo loo baahanyahay in lasii xoojiyo taxadarka iyo kahortaga lagula tacaalayo cudurkani dilaaga ah, kahor iyo Kadib inta aan laqaadan Talaalkani.

More in focus

To Top