Connect with us

somalilandtoday.com

Musharrixiinta Aan Shahaado Haysan 70% Waa KULMIYE !

focus

Musharrixiinta Aan Shahaado Haysan 70% Waa KULMIYE !

Musharrixiinta Aan Shahaado Haysan 70% Waa KULMIYE !

2005 Doorashadii golaha wakiilada Somaliland, nin musharrax ahaa oo sitay shahaado been abuur ah ayaa guddidi komishanka ee hubinaysay shuruudaha ay weydiiyeen saddex su’aalood. sheeg afar macallin oo dugsigii sare wax kuu dhigay? sheeg toban arday oo isku fasal ahaydeen dugsigii sare? magacii maamulaha dugsiga sheeg? musharraxu weligii dugsi ma gelin, xil doonbuu ahaaye wuu soo rogan waayay, halkii ayaa lagu reebay.

Hadda waxa jira dad badan oo sita shaadooyin been abuur ah, xafiiska imtixaandka qaranka, guddida tacliinta sare haddi ay si dhaba u baadhaan oo aan cid gaara dabarkaasi xidhin waxay u noqon doontaa abaal qaran. fadlan shuruudaha si dhaba hallo baadho oo yaan la soo dayn qof aan u qalmin in uu ummada hoggaamiyo ama aan buuxin shuruudaha sharcigu jideeyay. 70% musharraxinta aan haysan shahaado waa Xisbiga KULMIYE.

Komishanka xil weynbaa saaran, Tooshka shacabku wuxuu ku hayaa dad badan oo sharraxan oo Maayaro ku jiraan oo aan Jaamacad ka bixin, kalsoonida ummadda si aad u heshaan ka dhabeeya go’aamada iyo shuruudaha oo ha aqbalina dadka aan buuxin shuruudaha ee hebel iyo hebel leh. haddi aad sii daysaan waanu soo bandhigi doonaa kalsoonidiina ayay dhawaacaysaa iyo doorasho xora oo xalaal ah in ay Somaliland ka dhacdo.

Waxa qoray: Maxamed Siqiid dhamme

More in focus

To Top