Connect with us

somalilandtoday.com

Wafti Ka Socda Soomaaliya Oo Kusii Jeeda Maxkamadda ICJ Iyo Wararkii U Dambeeyey Kiiska Badda

focus

Wafti Ka Socda Soomaaliya Oo Kusii Jeeda Maxkamadda ICJ Iyo Wararkii U Dambeeyey Kiiska Badda

Wafti Ka Socda Soomaaliya Oo Kusii Jeeda Maxkamadda ICJ Iyo Wararkii U Dambeeyey Kiiska Badda

(SLT-Netherland)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta wafti culus u diraysa dalka Netherland, gaar ahaan magaalada Hague, si ay u gudbiyaan gal-dacwadeedka Badda ee haatan horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayo sii-haya xilka raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed , iyada oo ay wehelin doonaan wasiiro, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo diblumaasiyiin ka qaybg-alaya dacwadda Badda ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha kale ee la socda ayaa ICJ gaarsiin doono dukumintiyo muujinaya mulkiyadda Biyaha ay haatan isku hayaan labada dal.

Sidoo kale waxaa qorshuhu yahay in qareenada u dooda labada dhinac ay dooda dacwadda kaga qeyb-galaan aalada fogaan-aragga ah (Video Conference), sababo la xidhiidha cudurka saf-marka ah ee Coronavirus oo wadamo badan ku laba-kacleeyey

Dhaq-dhaqaaqa socda ee dacwadda Badda ayaa kusoo aadaya, iyadoo ay Kenya marar badan isku dayday inay dib u dhigto kiiskan, balse ay ku gacan seertay ICJ.

Si kastaba dhageysiga dacwaddan ayaa toos loo guda-geli doono 15-ka bishan March oo ku beegan Isniinta soo socota, iyada oo dowladaha Soomaliya iyo Kenyana ay heystaan  qareeno ajaanib ah iyo sidoo kale khubaro sare oo u kala u doodayo labada dhinac.

More in focus

To Top