Connect with us

somalilandtoday.com

Mo Faarax Oo Ku Guuleystay Tartan Ka Dhacay Jabuuti

focus

Mo Faarax Oo Ku Guuleystay Tartan Ka Dhacay Jabuuti

Mo Faarax Oo Ku Guuleystay Tartan Ka Dhacay Jabuuti

(SLT-Jabuuti)-Dalka Jabuuti waxaa lagu soo gabagabeeyay tartan dhanka orodka ah oo ka socday dalkaas.

Waxaana kaalinta koowaad ku guulleystay Maxamed Faarax oo ka socday Britain halka kaalinta labaad uu galay Bashiir Cabdi oo ah nin Soomaali ah oo matalayay dalka Belgium.

Waxaana kaalinta saddexaad uu galay Muumin Buux oo ka socday Jabuuti.

Tartankan waxaa soo qabanqaabiyay xidhiidhka tartamada orodka ee Jabuuti.

Tartamadan waxaa ka qeybgalay waddamo dhowr ah oo ay kamid yihiin Kenya, Soomaaliya, Itoobiya, Britain iyo Belgium.

More in focus

To Top